Markii uu Dhintay Ayaa Maxkamad La soo Taagay!

0
336

Mr. Lorenzo Castelli ayaa dhintay, ka dib markii uu jiidhay  tareenku sannadkii 1977 Dalka Talyaaniga. Sida caadiga ah waxay ahayd in maydkan uu yahay ka dhibanaha ah oo aan wax dembi ah oo lagu leeyahay aanu jirin.

Laakiin shilkan geeridiisa ayaa keenay in dib u dhac ku yimaado saddex tareen oo kale  oo kala danbeeyay, kuwaasi oo noqday taariikhda dunida markii ugu horaysay ee tareen uu dib u dhaco 30 daqiiqo. Sidaas darteed shirkadda maamulaysay khadadka tareenada ee dalka Talyaaniga ayaa maydkaasi ku dacwaysay  inuu sabab u ahaa isagu dhibaatada macmiilka tareenada ku dhacday.

Maxkamadda ayaa amartay in Maydka eedaysanaha ah la keeno maxkamadda oo weliba lagu fadhiisiyay kursiga eedaysanaha iyadoo loo qabtay looyaro difaacaya Maydka.

Looyarada maydka difaacayay ayaa ku dooday in Maydkani uu ku waayay shilkaasi naftiisa, taasi oo ka muhiimsan dooda shirkadda, halka shirkadu ay hanti kooban iyo sumcad kaga doodayso.  Arrintan ayaa lagu daray arrimaha (strangeness)  yaabka leh ee ka dhaca dunida.

Leave a Reply