Rafael: Basaasadii Shirqoolada Badanayd qaybtii 4-aad

0
432

Rafael iyo kooxda u soo socotay inay dilaan Cali Xasan Salameh waxay ahayd hawsha keliya ee ay u yimaaddeen Norway, warbixinta Cali inuu joogo magaalada Lillehammer ee Norway waxa soo gudbiyay Basaas ka tirsanaa MOSAD.  Waxaana ay Rafael qorshaysay qaabkii ay u dili lahaayeen ninkaasi Cali , waxayna habeenkii 21 July 1973 toogasho ku dileen ninkii ay u haysteen Cali hogaamyihii weerarkii Munich fuliyay ee Cali Salamah.

Waxay dileen nin u dhashay Dalka Morroco oo Huteel ka shaqayn jiray lana odhan jiray Ahmed Bouchiki laakiin mar danbe ayay MOSAD sheegtay inay u haysteen inay dileen hogaamiyihii kooxda Falastiin, isla markaana weerarka dilkaasi uu dhacay si kama’ ah..

Dilkaasi ka dib waxa la xidhay Rafael  waxayna ahayd mid lagu eedeeyay dilkaasi qorshaysan inay ka fulisay dalka, iyadoo weliba uu ahaa dilkaasi mid sharciga Norway aad ugu xun.

Laakiin haddana Bishii Feberweri 1-keedii, sanadkii 1974 ayaa Maxkamadda la soo taagay iyadoo lagu eedeyay inay samaysay Basaasnimo iyo inay isticmaalayso waraaqo sharci oo been abuur ah. Maxkamadda ayaa ka xukuntay 5 sano iyo badh xadhig ah.

Bishii May sanadkii 1975 iyadoo jeelka ku jirtay 15 bilood oo keliya ayaa dawladda ku qaaday sharciga ah in dadka ajaanibka ha ee denbiyada culus ku gala dalka loo mustaafuriyo dalalkooda oo aanay ku noolaan Karin Norway ka dibna waa la mustaafuriyay.

Rafael markii la sii daayay waxay guursatay qareenkii difaacayay , Annæus Schjødt laakiin markii ay dalka Norway ku soo noqotay sanadkii 1977 isla markiiba dib ayaa haddana loo mustaafuriyay.

Inkasta oo ay ka heshay laba sano ka dib ogolaansho degitaan haddana waxay doorbiday inay iska degto dalkeedii hooyo ee South Africa, halkaasi oo ay nolosheedii basaasnimo ku dhamaysatay , waxayna fulisay dilal qorshaysan oo kala duwan Rafael waxay ku dhimatay dalka South Africka iyadoo 67 sano jirtay sanadkii 2005.

 

Leave a Reply