Ruushka oo qirtay in uu billaabay dagaal dhanka internet-ka ah

0
281

Militariga Ruushka ayaa markii ugu horreysay qirtay heerka uu gaadhay dagaalkooda ku saabsan akhbaaraadka internet-ka. Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaadhiyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qabow.

Sergei Shoigu ayaa sheegay in Ciidamada dabagalka macluumaadka ay ka qeybgaleen jaajuusid iyo dacaayad wax ku ool ah. balse ma kamuu ka hadlin faafaahinta ciidamada iyo waxa uu bartilmaameed koodu yahay.

Hadalkan Ruushka ayaa imanaya xilli ay jiraan eedeymo ah in xukuumadda Moscow ay weerar dhanka internet-ka ah ay si joogto ah ugu qaaday dalalka reer Galbeedka. NATO ayaa loo maleynayaa inay tahay meesha lagu qaadi doono weerarka ugu heerka sareeya.

Intuu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, USSR iyo dalaka reer Galbeedka waxay dhaqaale badan ku bixiyeen dacaayadda si ay awood ugu yeeshaan caalamka ayna u faafiyaan mabaadii’dooda.

Mr. Shoigu oo la hadlayay xildhibaanada dalka Ruushka, ayaa yidhi “Waxaan leenahay ciidamada macluumaadka oo si wanaagsan u howlgali kara, kana awood badan sidii hore. Waxay ka hortagi karaan dacaayadaha”.

Keir Giles, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha militariga ayaa sheegay in “dagaalka internet-ka” ee Ruushka uu ka xoog badan yahay waxa ay dalalka Reer Galbeedka ka fikirayaan ee ah walaaca budhcadda internet-ka.

Giles warbixin uu u gudbiyay NATO wuxuu ku qoray “Ujeedada waxay tahay in la xakameeyo macluumaadka, si kastoo ay awoodaan iyo wixii ay ku qaadataba. Tallaabadaasi waa wejiga labaad ee dagaalka macluumaadka ee Ruushka”.

“Waxaa intaas dheer, Ruushka ma raaadinayo in la aamino. Taasi bedelkeeda, Ruushka wuxuu leeyahay hal u jeedo oo ah inay hagardaaciso ujeedooyiinka dhabta ah, iyo in loo gudbiyo meelkaste oo ay khuseyso”, ayuu yidhi Giles.

Ruushka wuxuu tijaabo dhinac kaste ah ku sameeyay NATO, sida inuu weeraro baraha bulshada ee shaqsi kaste oo ciidamada ka mid ah, ayuu BBC-da u sheegay Giles.

Ciidamada ay weerarka internetka ku qaadeen waxaa ka mid ah kuwa NATO ee ku sugan dalalka Balticga, Militariga, Poland, iyo ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jiro mucaaradka.

Ruushka wuxuu beeniyay hadallada reer Galbeedka ee ah inay “warar been ah faafinayaan”. Moscow ayaa dalalka NATO ku eedeysay inay wadaan is ballaaadhin iyo inay taageerayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Ruushka.

Kaalinta Ruushka ee internet-ka waxaa si weyn isha ugu haya reer Galbeedka ka dib markii Mareykanka uu ku eedeeyay in budhcadda Moscow ay jabsadeen qalabkii doorashada ee US.

Ruushka wuxuu hadda doorbidayaa in uu diiradda saaro dagaalka dhanka internet-ka ah, ka dib weerarkii Georgia ee 2008-dii, sida uu qabo Mr Giles. “Xukuumadda Moscow waxay hadda isu diyaarinaysaa inay bedesho fikradaha shucuubta dunida. Waxay faafindoonaan qaladaadka iyo saxnaanta dagaallka”, ayuu yidhi Giles.

Taliyihii hore ee ciidamada Ruushka, Yuri Baluyevsky, ayaa sheegay in guul ay ka gaadheen “dagaalka raadinta macluumaadka, waxaanu yidhi “Dagaaalkan wuxuu aad uga muhiimsan yahay midka militariga ee hubka la isu adeegsado, sababtoo ah dagaalka noocan ah dhiig kuma daadanayo iyada oo saameyn weyn la geysanayo lana curyaaminayo cadowga iyo awoodooda”

Dalalka midowga Yurub ayaa sameystay ciidamo ka hor taga dagaalka internet-ka ee Ruushka.

Leave a Reply