Waxa dhowaan lasoo saaray kala saraynta jaamacaddaha caalamka iyo siday ugu kala wanaagsan yihiin dhanka aqoonta , waxaana baadhitaan dhanka aqoonta ah lagu sameeyey sannadkii ina dhaafay ilaa bishii kowaad ee sannadkan jaamacaddo aad u badan, iyada oo ay kaalmaha kowaad galeen jaamacaddo aan meeshaba laga filayn , sida uu daabacay Wargeyska World Education oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan.
Jaamacaddo ka dhisan wadamada Maraykanka, Yurub ayaa ahaa kuwo markii hore kaalmaha kowaad geli jiray halka ay iminka cidhiidhsadeen jaamacaddo laga lee yahay wadamada Chine , Ruushka iyo India.
Waxaanay jaamacaddahaasi u kala sareeyeen sidan soo socota:-
1:Beijing University: jaamacaddan oo kamid ah jaamacaddaha wadanka Chine kuwooda ugu tayada badan ayaa gashay sannadkan kaalinta kowaad, iyada oo noqotay jaamacadda ugu wanaagsan caalamka, waxaana dhigta arday gaadhaysa ilaa 32,000 oo arday, kuwaas oo ka barta culuum kala duwan oo ay bixiso.
2:Tsinghua University : jaamacadda kaalinta labad gashay ayaa ah jaamacadda Tsinghua , waxaanay heshay dhibco dhan 77.0, iyada oo dhanka cilmi baadhistana ka heshay 89.6 degree.
3:Moscow State University ( Lomonosov ) :kaalinta saddexaad waxa gashay jaamacadda dawlada Ruushka ee Moscow , iyada oo noqotay jaamacaddii ugu wanaagsanayd ee Ruush ah, waxaana aas aasay nin la odhan jiray Mikhail Lomonosov, isaga oo College kii ugu horeeyey ka bilaabay sannadkii 1755 kii, waxaana hadda dhigta oo ay hoy u tahay arday gaadhaysa ilaa 47,000 oo arday, kuwaas oo dhigta 39 kuuliyadood oo kala duwan.
4:Cape Town University: jaamacadda Capetown oo ku taala wadanka Koonfur Afrika ayaa iyaduna noqotay jaamacadda Afraad ee caalamka ugu wanaagsan, waxaana dhigta arday gaadhaysa ilaa 26,000 oo arday, kuwaas ka kala yimaada wadamo kala duwan.
Jaamacaddan ayaa sidoo kalena kamid ah jaamacaddaha ugu wanaagsan qaaradda Afrika, iyada oo sannad walba kaalmaha kowaad iyo kuwa kale kazoo gasha jaamacaddaha ugu wanaagsan caalamka iyo qaaradda Afrika.
5:University of Science and Technology: waa mid kamid ah jaamacaddaha ku yaala wadanka Chine , waana jaamacad inta badan lagu barto Technology-ga iyo Sayniska, iyada oo aqoonta looga soo doonto meelo kala duwan oo caalamka ah.
Jaamacaddan ayaa hore ugu ooli jirtay magaalada Hefei oo ku taala Barriga wadankaasi Chine, waxaana dhowaan loo soo raray magaalada Beijing, waxaanay u gaar tahay Science ka iyo Technology-ga.
Waxa kale oo ay dhowaan ku guulaysatay abaal marin dhanka Bani’aadanimada ah.
6:Fudan University: jaamacaddan waa jaamacadda ugu weyn ee lagu barto cilmiga Saxaafadda , waxaanay gashay kaalinta lixaad, waxay ku taalaa wadanka Chine ama Shiinaha, iyada oo ku taala magaalo dhaqaaleedka Shanghai , waxaanay noqotay jaamacadda lixaad ee ugu wanaagsan sannadkii ina dhaafay.
Lasoco……