Cajiib: Qisadii Filimka Ayaa Mar Keliya Run Noqotay!

0
411

Gareth Jones oo ahaa nin jila filimada caanka ah, oo dalka Ingriiska u dhashay ayaa sannadkii 1958 ku metelayay filim uu dhigayay inuu ku dhacay cudurka wadno xanuunka. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuunku iyadoo kamaradii laga duubayo oo uu metelayo qof buka oo wadnuhu xanuuayo.

Nasiib daro may jirin qof isku deyday inuu dhakhtarka ula cararo maxaa yeelay waxa loo haystay inuu weli filmkii metelayo. Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxay mucjiso ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan intii filimka ku jirtay sida qisadii filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.

 

Waxa kale oo iyana Geeri naxdin abuurtay noqotay markii Frank Hies uu noqday ninkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka faradaha isagoo mayd ah.  Franka ayaa tartanada ka qayb geliyay sanadkii 1923. Waxaana la sheegay in isagoo faraskiisa saaran oo tartanka ku jira inuu wadanuhu istaagay laakiin farasku ma joojin orodkii ilaa uu noqday kii ugu horeeyay oo ka gudba diilinta kuna guulaysta kaalinta koowaad. Waxase naxdin ku noqotay dadkii iyo garsoorayaashii markii la arkay Frank oo mayd ah oo faraskiisa saaran.   Waxaana uu noqday maydkii ku guulaystay tartanka orodka fardaha.

Leave a Reply