Guurtida oo Muddo Kordhinta Xukuumadda iyo Wakiillada ugu Horeysiinaya Kalfadhigoodan 62-aad

0
284

Hargeysa (Dawan)– Mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaaas Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ajandahooda kalfadhiga 62-aad oo ka koobannaa 9 qoddob.

MudaneyaashaGolaha Guurtida,  xildhibaano ka mid ah ayaa shirguddoonka u soo jeediyay in la soo hormariyo qoddob ku saabsan in xal laga gaadho dib u dhaca ku yimmi  qabsoomidda  doorashadda Madaxtooyada oo Madaxweynaha Somaliland u soo gudbiyay  Golaha, ka hor intii aanu dalka ka dhoofin.

 

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuudoo ka mdi ahaa mudaneyaashii dooda ka dhiibtay shalay ajendaha golaha Guurtida ayaa yidhi “Waxaan soo jeedinayaa qodobka xogogaal u noqoshada xaalada ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan in lagu daro xaaladda taagan ee ajandaha.”

 

Xildhibaan  Cawil Cismaan Maxamed (Cawil Dawiil), ayaa waxa uu isna shirgudoonka u soo jeediyay in arrinta mudo kordhinta goluhu soo hormariyo, si xal looga gaadho doorashooyinka la caddeeyay in aanay xiligoodii ku qabsoomayn, maadaama Madaxwaynuhu golaha guurtida u soo gudbiyay qoraal sheegaya in golaha guurtidu ay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan dib u dhaca doorashooyinka. Xildhiban Cawil Dawiil isagoo arrimahaa ka hadlayay wuxuu  yidhi;  “Waxaan soo jeedinayaa in arrinta muddo kordhinta loogu soo horraysiyo, oo go’aan laga gaadho arrintaasna meel lays la dhigo, maadaama oo ay tahay arrin maanta golaha hortaalla.”

 

Waxa fadhigaas ku sugnaa 68 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee uu aqalka guurtidu ka kooban yahay, waxa ogolaaday in ajandaha kal-fadhiga 62aad ee golaha gurtida lagua ansixiyo soo jeedimaha xildhibaanada 65 xildhibaan, waxa diiday 1 xidhibaan, waxa ka aamusay 1 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codyan. Sidaana waxa ku ansaxay wax-kabedlka iyo kaabista lagu sameeyay ajandaha kal-fadhiga 62aad ee Golaha Guurtida.

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha guurtida  Siciid Jaamac Cali ayaa  xildhibaanada  ka hor akhriyay laba qodob oo wax-ka-bedel lagu sameeyay, islamarkaa laga dhigay qodobada ugu horreeya ee ajandaha ayaa waxaanu yidhi “Qodobada aynu muhimada siinay ee ay xildhibaanadu soo jeediyeen in laga dhigo qodobada ugu horreeya ee ajandeheenan waxaa ka mid ah in bulshada lagu wacyigaliyo sidii ku dhaqanka diinta loo xoojin lahaa. Qodobka xaaladaha taagan, siiba xogogaal u noqoshada sida ay doorashooyinku u qabsoomi karaan ayaa isna ka mida qodobada xildhibaanadu isku raaceen in la soo horraysiyo.”

Fadhiga kan xiga ee ay yeeshaan xildhibaanada golaha guurtidu ayaa waxa la filayaa in shirgudoonku golaha soo hor dhigo qoraalkii Madaxwaynaha ee ka hadlayay in ay Golaha Guurtidu waajibkooda ka gutaan muddo kordhin loo sameeyo xukumadda iyo Golaha Wakiillada, taas oo ay caddeeyeen heshiisna ku yihiin xisbiyada qaranka, guddida doorashooyinka iyo xukumadduba in aan doorashooyinku ku qabsoomayn xiligii ay maxkada sare u mudaysay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply