Eddie Chapman: Basaaskii Khaayinka ah! qaybtii 1-aad

0
410

Basaaska laba wejiilaha ahaa ee Eddie Chapman wuxu ku dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1914. Aabihii wuxu aha farsamo yaqaan ka tirsan ciidamada Badda ee Marinska Ingiriiska, Chapman wuxu ahaa wiilka ugu weyn sadexda caruurta ah ee ay walaalaha yihiin. Yaraantiisii wuxu caan ku ahaa sida uu waalidkii uga dhega adkaa isagoo dugsiga ka jeclaa inuu tago Filimada. Dugsiga dhexdiisa wuxu ka samayn jiray rebesh si loo eryo oo uu usoo ciyaaro ama filimka isaga daawasho tago, ama dabaasha xeebta oo uu aad u jeclaa.

Markii da’diisu gaadhay 17 sano ayuu ku biiray guutada labaad ee ilaalada ciidanka lugta ee Ingriiska ee Coldstrean waxaana uu ka mid noqday ilaalada Towerka London. Chapman aad ayuu u xiiseeyay shaqadan iyo dirayskii uu xidhay markii hore laakiin haddana wakhti aan badnayn ka dib waxay u noqotay shaqo uu nacay oo uu ka caajisay waayo wuxu ahaa nin wakhtigiisa badankiisa ku qaadan jiray rebesh iyo xorriyad uu sameeyo wuxu doono oo aan xad lahay, waxaana cidhiidhi ku noqday amaradii anshaxa ahaa ee ciidanka.

Markii uu sagaal bilood shaqada ku jiray ayuu sarakiisha ciidanku weydiistay fasax dhan lix maalmood kaasi oo ay u oglaadeen, laakiin markiiba wuxu tegay deegaanka Soho oo ku yaalla  badhtamaha Lonodn isla markaana ah goob dalxiiska iyo tamashlaha caan ku ah, halkaasi ayuu iska joogay oo gabadh ay is barteen ku guursaday. Laba bilood ka dib ayay ciidanku soo qabteen waxaana lagu xidhay jeel militarigu leeyahay oo ku jiray muddo 84 maalmood.

Jeelkan ayaa laga sii daayay markii xanuun aan ciidanka u wanaagsanyan lagu arkay wakhtigaasi wuxu dib ugu soo noqday deegaanka Soho isagoo gabadhiisa wakhti la qaatay.   Wuxu ahaa shakhsi aan dhisnayn oo dakhligiisa ugu badan ee uu ku xisaabtama yahay kan Khamaarka uu ka helo isla markaana aad u ciyaara, taasi aya ku keentay inuu sameeyo musuq, tuugo , waxaana ay keentay in sharciga loo gubdiyo. Arimahan markii lagu helayna wuxu lagu xidhay jeelka rayidka.   La soco …

 

Leave a Reply