Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee UK oo ka Digay Bannaan-bax Lagu Dhaawacayo Qaranimada Somaliland

0
345

London(Dawan)- Masuuliyiinta Saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID, WADANNI iyo Jaaliyadda Somaliland ee dalka UK, ayaa wadajir ugu bayaamiyay inay ka soo horjeedaan, isla markaana aanay taageersanayn, uguna baaqayaan bulshada inaanay ka qeybqaadan banaanbax la sheegay in lagu hordhigayo safaarada Imaaraadka ee London maalinta Khamiista ee 2-da Bishan March.

 

Kulan wadajir ay shalay  ku qabteen magaalada London, masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka UK, ayaa lagu sheegay in aanay garanayn dadka qabanqaabinaya banaanbaxan, isla markaana aanu ahayn mid saddexda xisbi iyo madaxda jaaliyadu ka warqabaan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK, Casayr Cabdiqaadir oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay,waxa uu yidhi;“Dhammaan madaxda saddexda xisbi iyo jaalliyada Somaliland, waxaan isugu nimmi arrinka saldhigga millatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera oo la sheegay in dad Soomaaliya u dhashay banaan-bax ka hor samaynayaan safaarada Imaaraadka ee London.

Annigoo ka wakiil ah Jaaliyada Somaliland ee UK, Guddoomiyaheediina ah, waxaan caddeynayaa dadkaa doonaya inay ku mudaharaadkaan, ee soomaalida ah, halkay doonaan ha ka yimaadaane  aanan ku raacsanayn.”

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI UK, Mr. Axmed Cali Naahi oo kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi, “Haddii aanu nahay xisbiga WADDANI, waxaan caddeynaynaa inaanu qofna xaq u lahayn, kuna mudaharaadi karin magaca, astaanta iyo milgaha xisbiga WADDANI. Waxaan shaacinayaa  inaan berri ka nahay ciddii falka as mudaharaadka ah  ee la sheegayo ku kacda.”

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK, Mr. Xariir Xirsi Ader, ayaa sheegay in dhammaan bulshada Somaliland ka midaysan tahay heshiiska saldhigga Imaaraadka. “Markaan dhan walba isla eegnay, waxaan ogaanay in bulshada Somaliland iyo saddexda xisbi ka midaysan yihiin in la xaqdhowro shuruucda aynu leenahay ee goleyaasha Qaranku go’aamiyeen ee saldhigga laga siiyey dalka Imaaraadka carabta magaalada Berbera,”ayuu yidhi Mr.Xariir Xirsi.

 

Gudoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID ee Ingiriiska Mr. Siciid Cabdi Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa yidhi,

“halkan waxaanu kaga hadlaynaa inaan saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo WADDANI iyo jaaliyadu ka midaysan nahay inaan ka soo horjeedno mudaharaadka dhallinyaradu wadaan. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada qaranka, gaar ahaan xisbiga UCID inaanay ka qaybqaadan.”

Waxgarad kaloo ka qeybgalay kulankaas saddex geesoodka ahaa, ayaa sheegay in mudaharaadkani halis ku yahay qaranimadda Somaliland isla markaana aan loo baahnayn in laga qaybgalo, waxaanay ku doodeen in banaan-baxan ay soo abaabulkeeda wax ku leedahay safaarada dawladda Muqdisho u fadhida Ingiriiska.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply