Trump oo ku Eedeeyay Obama Dibadbaxyada ka dhanka ah

0
346

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Barack Obama uu ka dambeeyo dibadbaxyada ka dhanka ah xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga iyo sirta la shaaciyay ee amniga ku saabsan.

Wuxuu TV-ga Fox News u sheegay : “Waxaan u maleynayaa in madaxweyne Obama uu ka dambeeyo, sababtoo ah dadkiisa ayaa arrintan abaabulaya”.

Wuxuu intaa raaciyay “Waxaan xittaa u maleynayaa in arrintan ay siyaasad tahay”.

Donald Trump ma aanu  cadeynin sheegashadaas iyo eedaha uu Obama u jeediyay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaan ka jawaabin dhalleeceynta Trump ka soo yeedhay.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa miisaaniyadda iyo arrimo kale.

Hadallada uu Fox News u sheegay waxaa ka mid ah:

  • Trump wuxuu isa siiyay inuusan hadal badneyn balse uu dadaal heer sare ah sameeyay, guul weyna uu gaadhay
  • Qorshihiisa dhaqaalaha difaaca wuxuu ku daray $54 bilyan oo dollar.
  • Wuxuu sheegay inuu “munaafiq” noqon lahaa haddii uu tagi lahaa casho saxaafadda loogu sameeyay Aqalka Cad, isagoo iftiiminaya “warka been abuurka ah.”

Madaxweyne Trump wareysiga laga qaaday waxaa la baahiyay saacado ka hor inta uusan Kongress-ka u sheegin qorshihiisa dhimista qarashka iyo xoojinta dhaqaalaha.

Waxaa la weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga ee ka dhacaya dalkaasi oo dhan.

Wuxuu sheegay inuu ka shakisan yahay dad daacad u ah Obama inay abaabuleen dibadbaxyada siyaasiyiinta looga soo horjeedo iyo kuwa ku saabsan sirta Aqalka Cad ee la xaday.

“Marka la eego arrimahan uu isaga ka dambeeyo, waa siyaasad. Wayna socon doontaa xaqiiqdii”, ayuu yidhi Trump.

Trump wuxuu sheegay in ujeedadiisa ugu weyn ay tahay inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka Mareykanka.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku yaboohay in miisaaniyadda gaashaandhigga ee Maraykanka lagu kordhiyo 54 bilyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in inkasta oo ay miisaaniyaddan tahay mid boqolkiiba ka badan tii hore ay tahay mid u qalanta wiilasha iyo gabdhaha Mareykanka, ee naftooda u huray difaaca Mareykanka iyo arrimaha mudan in la difaaco ee uu maraykanku horseedka u yahay.

Madaxweyne Trump ayaa arrintan shaaca ka qaaday isaga oo ka qayb qaadanayay kulanka sannadlaha ah ee uu madaxweynaha Mareykanku la yeesho guddoomiyayaasha gobolada Maraykanka.

 

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ballan qaadaya in khudbaddii ugu horreysay ee madaxweyne Trump uu u jeedinayo congress-ka ay si buuxda diiradda u saari doonto xalinta dhibaatooyin dhab ah oo ay wajahayaan dadka Mareykanka.

 

Leave a Reply