Qisada Baadiriga: Waxay Aaminsan Yihiin Inuu Yahay Dhul Daahir Ah!

0
292

Kitaabka uu qoray Sh.Maxamed Kaamil C/Samad ee lagu magacaabo “Qaraa’ib al-muctaqadaat”  (Rumaysnaanta Cajiibka ah) ayuu  ku qoray inuu mar kasta oo uu safaro dunida galo uu arko arrimo yaab leh.  Waxaana uu sheegay inuu arkay dawlad iskeed u taagan oo aan ogolayn inay dhulka ay ka taliso ku noolaadaan wax dumar ahi. Qoraaga ayaa sheegay in is xukunkaasi dhulkeedu dhan yahay 40 Mayl, waxaana uu ku yaalla buuralayda Athos ee Giriigga.

 

Dawladdan ayay ku nool yihiin oo keliya baadariyo haysta  mad-habta xag jirka ee Masiixiyiinta lahuna magacaabo Orthodox .

Waxaana buuga ku qoran in Baadariyadu aanay ogoayn in deegaanka ay ka taliyaan oo haysta xukun hoosaad ay wax dumar ahi soo galaan. Waxa kale oo aanay  ogolayn xataa xayawaanada dhediga ahi inay yimaadaan. Sababta ay sidan u yeelayaan ayaa ah iyagoo aaminsan in dhulka uu ku fadhiyo xukunkoodu uu yahay dhul daahir oo ay martay Nebi Ciise hooyadii Maryama Bintu Cimraan (cs). Waxaana loo aaminsan yahay wadaadan  kuwo dhulkooda iyagu ka taliya oo la mid ah kuwa mad-habta Cathlic ee Vatican-ka ee Roma.

 

Leave a Reply