Cali Khaliif iyo Guddoomiye Baashe oo Shir ay Yeesheen Go’aamo ka soo Saaray

0
317

Hargeysa(Dawan)-  Waxa magaalada Xidhxidh ee gobolka Sool,  Isniintii toddobaadkan    shir isugu yimmi madax ka kala socota Maamulka kooxda  Khaatumo iyo Golayaasha Somaliland.  Shirkaas oo bilow u ah sidii  loo midayn lahaa hoggaanka siyaasadeed ee dadka deggan Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo kaasoo ujeedadiisu ahayd sidii  meel looga wada abbaari lahaa  danaha iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanka iyo dadka ku nool deegaanadaas.
Sida lagu baahiyay degelka Internetka ee Laascaanood.com, oo aanu warkan ka soo xiganay, Siyaasiyiinta ka socota dhinaca Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee  Golaha Wakiillada Somaliland,  Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid iyo Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland,  Axmed Xasan (Casoowe).
Dhinaca maamulka khaatumo, waxa  hoggaaminayey Cali Khaliif Galeydh, oo ay wehelinayeen  xubno ka tirsan golayaashiisa oo kala ah xildhibaan Maxamed Cali Hayaan iyo Maxamed Axmed Yaasiin.
Kulankan ayaa waxa  iyaguna waxa goobjoog ka ahaa labaataneeyo xubnood oo isugu jira cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankaa kuwaas oo ay ka mid yihiin Jiif Caaqil Cabdikariim Dhookir, Caaqil Cali Xirsi Cawl, Caaqil Xuseen Axmed Cismaan  iyo Caaqil Daahir Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale.
waxaana gebagebadii shirkaa ka soo baxay qodobbo kooban oo ay labada dhinacba isla qaateen kuwaas oo ahaa:
1. baaq loo diray xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyo Khaatumo inay ka qaataan doorka kaga  beegan  meel marinta nabadii labada beelood ee Bahararsame  iyo Khayr  Cabdi (Qayaad) kuna heshiiyeen dhawaan.
2.Labada beelood ee ehelka iyo walaalaha ah oo loogu baaqay xoojinta nabadda iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka, iyagoo kulankaa kaga codsaday inay tixgliyaan xaaladaha adag ee abaareed ee dadku ku jiraan xilligan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply