Qiso: Ma Jiraan Wax Adagi Laakiin Waxa Jira Dadaal Yaraan!

0
455

Caalimka Cilmiga sarfiga ee luqada Carbeed laguna magacaabo Kisaa’i ayaa markii uu baranaya cilmigan sarfiga (Morphology) uu aad ugu adkaaday, waxaana uu go’aansaday inuu iskaga hadho oo uga wareego cilmiyada kale.

Laakiin isagoo maalin socod ku jira ayuu arkay qudhaanjo shay culus sidata oo la koraysa gidaar dheer, Qudhaanjadaasi kolba way soo dhacaysay marka ay meel dhexe gaadho, haddana dib ayay u qaadaysay oo la koraysa. Sidii ay u daala dhacaysay markii danbe ayay ku guulaystay ina midhihii ay sidatay la fuusho gidaarkii dheera.

 

Imaam Kasaa’i wuu eegayay intii ay qudhaanjadu dadaalka ku jirtay. Halkaasi ayuu ka qaatay casharka ah in aanay jirin wax adagi laakiin uu jiro dadaal yari.

Maalintaasi wixii ka danbeeyay dadaalkii cilmigaasi ayuu galay ilaa maanta uu ka mid yahay culimada cilmigan loogu noqdo ee looga danbeeyo, waxaana uu leeyahay dariiqooyin cilmigan ah oo uu isugu alifay una gaar ah, mad-hab cilmigan ah oo u gaar ah.

Haddaba dadaalka iyo go’aanka adag oo Allah (sw) lala kaashado ayaa ah muftaaxa guusha , itaalkaagu haba noqdo mid qudhaanjo leeg .

 

Leave a Reply