Sarif-bararkii oo Laba Kacleeyay Iyo Tallaabada Xukuumadda Laga Filayo

0
301

Hargeysa (Dawan)- Qiimaha sarrifka Doollarka,ayaa halkii ugu sarraysay gaadhay tan iyo markii ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay go’aamada lagula dagaalamayo sicir bararka iyo iyo sarif bararka Dollarka isla markaana kor loogu qaadayay qiimaha shillilnka Somaliland.

Kor u kaca sarifka ama isu-bedelka lacagta dollar-ka ee shillinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey lagu sarrifayey  $1 oo  dollar lacag dhan  8.600 gacanta hore taasoo ka soo hor jeeda digreetadii Madaxweynaha Somaliland ee lagu meel mariyay qiimaha Dollarku in aanu dhaafi  karin 7000 oo shillinka Somaliland ah.

Waxaa kale oo aan la garanayn illaa imika qiimaha gacanta dambe ee Dollarka lagu kala iibsanayo taasoo iyadu noqotay wax suuq madaw lagu kala iibsado .

Dadweynaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kor u kaca qiimaha Dollarka oo ay tilmaameen in uu yahay wax sharci darro ah oo aan u hoggaansamin go’aamadii ka soo baxay xukuumadda Somaliland

Waxaana meesha ka baxay go’aankii Madaxweynuhu 24 bishii kowaad ka soo saaray sicir bararka iyo  sarifka  qiimaha Dollarka iyo kor u qaadista qiimaha   Shillinka Somaliland , waxaanu  Madaxweynuhu fulinta go’aanka  u xilsaaray Guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka oo shaqadoodu ahayd la socodka iyo suulinta sarif bararka baahsan ee bulshada hadheeyey

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa is waydinaya halka ay ku danbeeyeen guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka . waxaana ay Madaxweynaha ugu baaqeen in uu socod siiyo go’aankii uu kasoo saaray kor u kaca doolar

“ Waxaan u aragnaa qalad waxaan leenahay Madaxweynaha go’aamadiisii  la dagaalanka Sarifka kor  usii  kacaya waa in la fuliyaa oo gudidii uu u xil saaray ay shaqaysaa ilayn waa kan dollarkii koru un u sii socda e”  ayuu yidhi Axmed Naasir oo ka tirsan dhalinayarada magaalada hargeysa

Cabdiraxmaan Maxamed Sidci oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa hargeysa ayaa guddida ugu baaqay in ay daacad ka ahaato suulinta sarif bararka waxaana uu yidhi,“Sicir bararkan waxaan u aragnaa laf-jab ku yimi bulshada Somaliland , waxaanu ka codsanaynaa Xukumaddayada in ay shaqo degdeg ah oo ka daacad ah ay ka qabato oo go’aankeedi hore ay ku adkaysato.”

Xuseen Cali Xaaji oo ka mid ah Sariflayaasha Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan weli la helin ciriqa rasmiga ah ee lagula tacaalayo kor u kaca doolarka iyo qiimaynta shillinka Somaliland isaga oo guddida ku eedeyey in aanay daacad ka ahayn hawsha Madaxweynuhu u igmaday  Waxaanu yidhi; “Waxaan weli la helin ciriqa rasmiga ah ee xalka u noqon kara kor u  kacan lacagta qalaad ee soo noqnoqnaysa , Madaxweynuhu in badan ayuu isku dayey balse guddida uu u xilsaaray ayaaney daacad ka ahayn suulinti kor u kaca lacagta qalaad.”

 

Guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo  xakamaynta sicir-bararka ayaan wax  faahfaahin ka bixin sababta uu  sarifka qiimaha doolarku ugu noqday halkiisii iyo waxyabaaha ay illaa hadda ka qabteen adeegyadda lacagta hawada la isugu diro ee Mobel Money Transfer.

25 bishii kowaad ee sannadkan ayey ahayd markii guddoomiyaha baanka dhexe uu sheegay in aan $100-ka. sarifkiisa la dhaafin Karin 700,000 oo shillinka Somaliland ah  balse ma muuqdo wax daba-gal ah oo arrintaa lagu sameeyey waana ta xilligan  gaadhsiisay in boqolka doolar lagu sarrifo 860.000 oo shillin.gacanta hore ee lagaga qaadanaypo qofka shicibka ah ee sita Dollarka halka aanay jirin gacan dambe oo dollar lagaaga iibinayo waxaana bilaabantay in Dollarkii uu noqday wax dadka laga uruursado oo aan dib dadka looga iibin laakiin si suuq madaw ah look ala iibsado waxaana jirtay in  kor u kaca qiimaha Dollarka iyo suuqa madaw  ee agu kala iibsanayo gacanta dambe in hor Xukuumaddu ugu eedaysay in ay qayb ka yihiin qaadleyaasha oo iyagu ah cidda ugu baahida badan ee si joogto ah ugu baahan maalinkasta in ay helaan lacag aad u badan oo Dollar ah.

Inkasta oo ay jireen shirar ay gudiga la dagaalanka sicir bararka  ee heer qaran iyo shirkadaha  ka ganacsada qaadku ay wada yeesheen haddana kulamadaasina may noqon kuwo wax ka bedela qiimaha kor u sii kacaya ee Dollarka.

Haddaba waxaa looga  baahan yahay guddiga Madaxweynaha Somaliland u xulay  la dagaalanka sicir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shillinka Somaliland in ay fuliyaan Digreetadii Madaxweynaha Somaliland oo ay ummadda ka qabtaan   cid kasta oo wada ama ku xoogsanaysa sicir bararka ee ah cidda leh masuuliyadda kor u kaca qiimaha Dollarka haddii aanay tallaabo ka qaadi karayna waa in ay caddeeyaan oo ay Madaxweynaha iyo umaddaba u sheegaan in ay ku fashilmeen xilkii loo igmaday si Madaxweynuhu go’aan kale uga qaato guddi xilkooda ka soo bixi kartana uu u igmado.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply