Qori-Lugud: Qof Jaddeeco u Dhintay iyo Tirada Dad Xannuuno Kala Duwani soo Riteen

0
296

Qori-lugud (Dawan)- Hal qof ayaa u dhintay, saddex boqol oo kalena  waxay u jiifan xannuunka Jaddeecada oo ka dilaacay degmada Qori-lugud ee gobolka Buhoodle, sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha degmadda Qori-lugud, Maxamed Cumar Faarax oo shalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Dawan.

 

 

“Muddo bil gudaheeda waxa xannuunka jadeecadu soo  ridatay 850 qof.  Waxa u dhintay wiil yar,tiro ku dhow saddex boqol  qof oo carruur u badanina way u jiifaan xarunta  Xanaanada Hooyada iyo dhallaanka degmadda Qori-lugud, intooda badan waxaa laga keenay goobaha miyiga  ah balse way ku jiraan dad yar  degmada laga keenayna,”  ayuu yidhi Guddoomiyaha degmadu.

Waxa kaloo uu sheegay in goobta dadkan Jaddeecadu hayso la dhigay aanay lahayn koronto, waxaanu xusay inay dadkan xannuunsanaya ay haysato nafaqo-darro xumi;

“Dadka waxa ugu daran nafaqo darro oo  way nuglaadeen  waxa ay u baahan yihiin biyo iyo raashin nafaqo leh.  Xannaanadu  waxaan u shidnaa mishiin yar kaasina hadda waxa uu u fadhiyaan shidaal la’aan. Waxaannu  baahannahay in Soolar meesha lagu xidho,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Qori-lugud, waxaanu intaas ku daray; “Way jiraan dad xaaladoodu cuslayd oo aanu Burco u diray, dadka waxa iskugu   biiray Oof, Shuban iyo jadeeco, taas oo ka dhalatay xaaladda abaareed ee dadka nafaqo-darradu haysato. Wasaaradda Caafimaadka waxaannu ka codsanaynaa in ay goob Caafimaad deegaanka u samayso waayo bukaankii markii ay buuxiyeen afartii qol ee xannaanada, waxay hadda jiifaan dhirta hoostooda iyo gudaarada xannaanada.”

Maxamed Cumar, waxa uu wasaaradda caafimaadka ka dalbaday inay u soo gurmadaan dadkaas tabaaleysan ee xannuunaduna ugu darsameen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply