Wax Ka Baro Caabuqa Maqaarka

0
468

Caabuqa maqaarka waa xaalad caan ah, waxey keeni kartaa infekshan daran oo ka dhasha bakteeriya. Caabuqaan wuxuu u muuqdaa baran, guduud/casaan oo marka la taabto la dareemo diranaan iyo danqasho. Xanuunkaan wuxuu si dhakhsa ah ugu gudbi karaa qeybaha kale ee jidhka. Caabuqa maqaarka inta badan la isma qaadsiiyo

Caabuqa maqaarka waxuu inta badan ku dhacaa lugaha, in kastoo meel kasta oo jidhka kamid ah uu ku dhici karo. Sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dahaadhka ka hooseeyo maqaarka, wuxuuna u sii gudbi karaa qulqulka dhiiga.

Hadii aan la daweynin, infekshanka sii fidaya wuxuu khatar gelin karaa nolosha. Wa muhiim inaa si degdeg ah u raadisid daryeel caafimaad hadii aad isku aragtid astaamaha caabuqa maqaarka.

Astaamaha iyo calaamdaha waxaay ka soo baxaan inta badan dhinac ka mid ah jidhka, waxaana ka mid ah:

Meel ka mid ah maqaarka oo noqota guduud/casaan siina fideysa ,Barar ,Damqasho Xanuun , Diiranaan ,Qandho ,Dhibco dhibco guduud/casaan ah ,Bocol

Caabuqa maqaarka waxaa sababo bakteeriya, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano Streptococcus iyo Staphylococcus. Caabuqa wuxuu dhacaa marka ay bacteeriya gasho dilaac maqaarka ku sameysmay. Waxaa so badanaya infekshanada ay sababto Staphylococcus oo loo yaqaano Methicillin-Resistent Straphylococcus Aureus (MRSA)

In kastoo xanuunkaan uu ku dhici karo meel kasta oo jidhka ah, hadana waxaa inta badan lagu arkaa lugaha qeybta hoose. Bacteeriyada waxey u badan tahay iney gasho meel maqaarka uu ka dilaacay, meel dhawaan qalliin lagu sameeyay, nabar iyo boogo.

Cayayaanka qaar iyo caara caarada waxaay fidin karaa infekshanka.

Arrimo badan ayaa khatar kuu gelin karo inaad xanuunkaan qaadid

Dilaac kasta, lafta oo jabto, gubasho kuli waa kuwo wadada u xaadhi karo bakteeriya

Difaaca jidhka oo daciifa. Xaaladaha daciifiyo difaaca jidhka sida, sonkoroowgakansarka dhiiga iyo HIV/AIDS

Xaaladaha maqaarka. Sida cambaarta, xaalada cagta orod yahanka, busbus waxay sababi karaan dilaaca maqaarka

Bararka gacmaha iyo lugaha joogtada ah. Bararka wuxuu sababi karaa in maqaarka uu dillaaco.

Dawada lagu duro xididka. Dadka aan marin habka nadaafada ah ee dawo loogu mudo xididka waxay halis ugu jiraan xaaladaan.

Burnaanta daran waxey fududeysaa helidda xanuunkaan.

Bakteeriyada sababta xanuunkaan waxaay ku faafi karta si baahsan, waxey gali gartaa lymph node yada jidhka ayadoo u sii gudbeysa qulqulka dhiiga. Caabuqa maqaarka ee soo noqnoqda wuxuu dhaawici karaa qaadayaasha dareeraha jidhka ee lymphatic drainage, wuxuuna sababaa barar joogta ah oo ku yimaad meesha ay bakteeriyada gashay.

Mararka qaar infekshanka wuxuu u gudbi karaa daahadhka gudaha fog ee jidhka waxaana loo yaqaanaa bakteeriyada cunto hilib necrotizing fasciitis.

 

Leave a Reply