Barafka Oo La Ogaadey Inuu Ragga Khatar Caafimaad U Yahay

0
392

Daraasad ay samaysay jaamacadda Montreal ee wadanka Canada ayaa lagu sheegay  natiijo hor dhac ah oo laga soo saaray in barafku inuu khatar badan ku hayo raga,gaar ahaana dhanka caafimaadka oo ay sheegeen inuu u daran yahay.

Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in barafku uu keeno wadne xanuun kusoo boodi kara ninka marka uu in badan dhex joogo barafka.

Saynisyahanadan ayaa sheegay in ninka uu wadnuhu u istaagi karo barafka dartii, madaama oo uu dhiigu si fudud u xinjiroobi karo, sidoo kalena ay xidhmi karaan xididada wadnaha dhiiga geeyaa, taasina ay tahay ta keenaysa inuu ninka wadnuhu istaago.

Intii daraasadan lagu jiray khubarada daraasadan waday waxay dib u baadhis ku sameeyeen daraasado la sameeyey  sannadihii  1981 ilaa 2014 kii, waxaanay inta badan ku kaydsan yihiin warbixinahaasi iyo daraasadahaasi jaamacadda Quebec Medical Center.

Waa kale oo ay eegeen calaamado ilaa 128 calaamadood ah, kuwaas oo dad buka ay ka eegayeen, gaar  ahaana dhanka hurdada, iyaga oo intaas ku daray in raga u dhintay arrimahaasi ay  noqonayaan in ka badan ilaa 60,000 oo nin .

Saynisyahanadan ayaa sheegey  loo baahan yahay in goobaha danta guud noqdaan meelo ka andiif ah barafka, madaama oo uu khatar yahay.

 

Leave a Reply