Jaamacad Maraykan Ah Oo Soo Saartay Robot Ilaalin Kara Beeraha

0
371

Jaamacadda Illinois ee wadanka Maraykanka ayaa soo saartay qalab cusub oo Robot ah ,kaas oo loogu talo galay inuu ilaaliyo beeraha, kaas oo u samaysan sida gaadhiga oo kale, waxaana lagu hagayaa remote, iyada oo sidoo kalena laga daawan karo Mobile ka ama Koombiyuutarka.

Khubarada jaamacaddaasi oo la hadlaysay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay  inay ogaadeen  baahida loo qabo qalabkaasi ilaalinaaya beeraha, kaas oo noqonaaya qalab lagu ilaalin karo beeraha iyo midhaha kasoo go’a .

Waxaanay khubaradani ku guulaysteen inay qalabkan soo saaraan , kadib markii ay muddo dheer wadeen daraasad ay ku baadhayeen sidii ay u nasin lahaayeen dadka beeraha ilaaliya oo dhib weyn ku qaba.

Qalabkan ayaa lagu xidhayaa qalabka loo yaqaano Map iyo sidoo kalena GPS , kaas oo lagula socon karo dhaq dhaqaaqa  uu qalabkaasi samaynaayo, waxa kale oo ku rakiban kamarad saafi ah oo ay ka muuqan karaan wax walba oo beerta ku jiraa.

Waxa kale oo uu qalabkani sheegi karaa dhererka dhirta beertaasi, waxa kale oo uu shegi karaa xanuunada ku jira dhirta iyo beerta labadaba, waxaanu dhamaan  warbixinta uu ururiyo usoo dirayaa Koombiyuutarka.

 

 

 

 

Leave a Reply