Cadaadiska Haweenka Iyo Dunida Maanta Cajiib: Hooyada Ayaa Maxbuus laga Dhigaa!

0
417

Bulashada Kabsanjiya oo ah dadka madow ee ku nool dalka Mexico ayaa ah kuwo Dumarkooda ula dhaqma si ka baxsan xuquuqda basharka. Hooyada ayay marka ay Umusho ilmaheeda muddo saddex maalmood ah lagu xidhaa buul loo dhisay, iyadoon la ogolayn inay ka soo baxdo. Marka ay saddexda maalmood u dhamaadaan lama ogola inay muddo lix maalmood ah wax taabato xataa ilmaha yar ee ay dhashay ayaan loo ogolayn inay taabto.

Marka ay raashinka cunayso iyadana lama ogola inay gacmaheeda ku taabato waxa loo keenayaa ul qori ah oo ay ku cunto, waana caado ciqaab ah oo dunidan ka jirta wakhtigan.

Dalka Thailand iyo Shiinaha bulshooyinka caabuda sanamada ayaa iyaguna sanad kasta u bireeya  Gabadh qurux badan oo da’da 14 sano ah sanamadooda. Kuwaasi oo ka dhiga baryo iyo weyneyn ay waynaynayaaan sanamadooda ay qiimaynayaan iyagoo ku duudsiyay xuquuqda caruurtooda. Dhiiga gabadhaasi yar ee la dulmiyay ayaa loo cabaa iyadoo laga barakaysanayo, loona kala dheeraynayo. Gabadha la gawracayo Jidhkeeda waa la goo gooya ka dibna waxay dhigaan macbadka sanamadu yaalaan. Sanad kastana waa caado la sameeyo oo maanta dunida lagu dulmiyo dumarka. Marka dariiq sax ah la waayo, caqlina ma jiro, qofkuna wuxu ka liitaa xayawaanka.

 

Leave a Reply