Ciidamada Ciraaq oo Marin Muhiim ah ka Jaray Daacish

0
329

Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen wadadii ugu dambaysay ee isku xidha galbeedka magaalada Mosul, taasi oo ka hor istaagaysa in dagaalyahannada kooxda la baxday Khilaafada Islaamiga ay ka baxsadaan magaalada.

Ilo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in wadadaasi jid gooyooyin looga sameeyey meel u dhow tuulada Badush oo 10 km u jirta bartamaha Mosul.

Wadadaas ayaa waxa ay gashaa magaalada Tal Afar oo ah goob kale oo ay ku xooggan yihiin kooxda dowladda Islaamiga, oo dhinaca galbeed 40km ka xigta Mosul.

Ciidamada dowladda ayaa horay gacanta ugu dhigay bariga magaalada Mosul waxayna bishii hore bilaabeen weeraro iyo duqeymo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan dhinaca galbeed ee magaalada.

Waxaa dhowaan xooggagga daacish laga saaraya garoonka caalamiga ah ee Mosul, saldhig militari, xarun laga dhaliyo korontada iyo dhowr goobood oo ay ku noolaayeen shacab.

Jeneraal ka tirsan cutubka 9-laad ayaa wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada ay u jiraan wax ka yar hal kilomitar dhinaca waqooyiga-galbeed ee laga galo magaalada weyn ee Mosul.

”Waxaan gacanta ku haynaa wadada, waa ay inoo muuqataa” ayuu yidhi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in hadda aanay adeegsan karin wadadaasi, sidaas waxa ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Bishii Novembar, ciidamada Ciraaq oo ka soo kicitamay dhinaca koonfureed ayaa waxa ay xidheen wadada dhinaca galbeedka magaalada Tal Afar, taasi oo u suurtagelisay in ay isku gadaamaan goobaha ay kooxda daacish ku xoog badaneyd ee ku yaala daafaha Magaalada Mosul.

 

Leave a Reply