Obama iyo Xaaskiisa oo Qoraya Buugaag

0
383

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo afadiisa Michelle Obama ayaa heshiis la galay shirkada daabacda buugaagta oo la yidhaahdo Penguin Random House.

Shirkadda waxay daabici doontaa laba buug oo ay qori doonaan Obama iyo Michelle.

“Shirkadda waxay heshay xuquuqda daabacaada labada  buug oo ay qori doonaan madaxweynihii hore iyo xaaskiisa’ sidaasi waxa sheegtay Penguin.

Weli lama shaacin fahfaahinta heshiiska iyo cinwaanada buugaagtaas, balse waxaa la aaminsanyahay in heshiiskaasi uu ku kacayo lacag ka badan $60 milyan oo doolar.

Mr Obama wuxuu horey u qoray laba buug oo la kala yidhahdo Riyooyinkii Aabahay (Dreams from my father) iyo ku Dhiiranaanta Rajada (Audacity of hope).

Xaaskiisa Michelle Obama ayaa iyaduna waxay qortay buug ay u bixisay cinwaanka ‘American Crown’ oo ka hadlaya cunnada iyo beeraha.

“Hadaladooda iyo hoggaan wanaagooda ayey wax uga badelaan dunida maalin walba, marka waxaan rajeynaynaa in buugaagta aan daabici doonno si la mid ah sidaasi ay iyaguna wax uga badeli doonaan dunida.” Sidaas waxa yidhi madaxa shirkada daabacaada buugaagta ee Penguin Random House, Markus Dohle.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaan hadda ka war dhowreynaa in aan la shaqeyno madaxweynihii hore iyo afadiisa si aan u hubsano in buugaagta ay qori doonaan ay gaadhaan caalamka, muhiimad weynna ay yeeshaan.”

 

Leave a Reply