Hal Qof oo Harraad ugu Dhintay Sool iyo Xaaladda Abaarta oo sii Adkaatay

0
456

Laascanood (Dawan)-  Ilmo yar oo toban bilood jir ahaa  ayaa harraad ugu geeriyooday deegaanka Cagallaaye oo ka tirsan gobolka Sool, halka toddoba qof oo kale oo isla qoyskaas ahina ay ku sugan yihiin xaalad adag, isla markaana lagula tacalaayo xarumaha Caafimaad ee gobolka Sool.

Hooyada dhashay ilmaha yar ee u geeriyooday xaalada abaareed ee ka taagan deegaankaasi ayaa ka warbixisay sababta uu ilmahaasi u dhintay duruufta haysata qoyskeedaba, waxaanay tidhi; “Waxaan haystaa siddeeed carruur ah ilmaha ugu weyni waa 16 sanno jir, waxaana ugu yaraa ilmaha toban bilood jiray oo naqafo darro u dhintay. waxaan u waayey caano xoolaad iyo kuwa naaskaba. carruurta kale waa ay wada jiifaan waxaa ugu culus gabadh 15 sanno jir ah iyada oo sakaarad ah ayaa layga qaaday waxaa la geeyey Laascanood, miyir ma qabo muddo 17 cisho ah.”

 

Aamina Warsme Cabdiqaali oo ka tirsan dadka reer guuraga ah ee ku sugan Deegaanka Cagaleeye ee gobolka Sool, ayaa sidoo kale iyaduna ka warbixisay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiiin, waxaana ay tidhi “Dadku xoolo cun buu ahaa, xoolihii waxna way madheen waxna waa naga dheeraadeen, dadkii markii wax la siiyo la waayey nafaqo darro ayaa ku dhacday, wax gargaar ah oo guddida abaaraha naga soo gaadhayna ma jiraan. dadku waxa ay u dhimanayaa waa nafaqo darro , haddii jidiin wax la mariyo la waayo way adag tahay sida lagu noolanayaa.”

 

Deegaanka ayaa waxaa ka jira qabow daran oo soo dhaca habeenkii waxaana ay maalintii waagu ugu baryaa cadceed kulul,  isla markaana ma haystaan hoy iyo gabood fiican oo ay ka galaan qabawga iyo kulaylka, maadaama oo ay deggan yihiin guryo yar yar oo baco ka samaysan.

Xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka Sool ee bariga Somaliland, ayaa la sheegayaa in ay marayso meel aad u halis ah, isla markaana   ay hadda  muuqato saan-saan ah in  dadku ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo, haraad iyo nafaqo darro baahsan oo soo food saartay dhalaanka iyo waayeelka ku sugan deegaanka  Cagallaaye.

Abaartaasi ayaa si weyn u saamaysay gobollada Sool, Sanaag, Saraar, Togdheer iyo degaannadda hoos yimaadda, waxaana ku le’day inta badan wixii ay xoolo dadku haysteen, iyadoo wixii u soo hadhayna ay  yihiin kuwo liita.

Inkasta oo ay jiraan gurmad kala duwan oo dawladdu gaadhsiiso bulshada abaartu tabaaleysay ee bariga Somaliland, hase yeeshee gurmadkaasi ma aha mid kafeyn kara culayska baahida haysata dadka abaartu hayso oo xukuumaddu ku sheegtay in abaartu ku laxaadsatay dad gaadhaay 1.5 Milyan qof, oo 500 oo kun oo ka mid ahi marxalad adag ku jiraan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply