Madaxweyne Ku-xigeenka oo la Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda NRC

0
383

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Hargeysa hay’adda NRC, kaasi oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen samata bixinta dadka abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa faahfaahin  ka bixiyay kulankan dhex-maray madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta hay’adda NRC waxaanu yidhi “Masuuliyiin saresare oo ka tirsan hay’ada Norwegian  Refugees Council (NRC) waxay kulan la yeesheen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ah-na ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, oo ay ku soo booqdeen isla markaana kula Shireen gurigiisa, hawlaha kulanka ay ka yeesheenna waxaa ka mid aheyd sidii dadka tabaaleysan wax loogu qaban-lahaa, dar-dar-galinta hawlihii kale ee socday ee abaaraha, hay’adana wax-badan ayay ka qabatay gobolada bariga Somaliland, diyaarna waxay u yihiin in wixii ay ka qaban karaan hawlaha abaaraha ay wax ka qabtaan”

Rooble Cabdi Muuse oo ka mida shaqaalaha hay’adda NRC ayaa hoosta ka xariiqay mashaariicda kala duwan ee ay ka fuliyeen gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu wadanka ka fuliney 18-goobood, kuwaasi oo aanu ku sameyney dib u dhis, isla markaana isugu jira heerar kala duwan, goobaha ugu waa weyn ee aanu wax ka fuliney waa ceelka Caynaba, Awr-boogeys, Ganbadha, Shululuc iyo todoba dhaam oo aanu ka sameynay deegaanada Wajaale, Taysa, Arabsiyo, Laaya, sidoo kale waxaanu sameynay mashruuc caafimaad oo aanu ka sameyney gobolka Sool, waxaanu leeyahay mashruucani hab ka duwan mashaariicdii caafimaadka, maadaama oo uu dhulku kala fog yahay, dadkana tamartoodu iska yar tahay, waxaanu ka fikirney sidii caafimaadku dadka u gaadhi lahaa, waxaananu sameynay caafimaadka wareega sagaal boqol oo qoys, oo ku soo barakacay meelihii aanu biyaha ka sameynay, xoolahoodiina baxeen, ayaa waxaanu ka fikirnay inaanu raashin u geyno, dad gaadhaya sagaal boqol oo qoys ayaanu siiney raashin”

Wasiirul dawlaha arrimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Mixille Boqore oo isaguna goobtaasi ka hadley ayaa hay’adan uga mahad-celiyay mashaariicdan kala duwan ee ay wadanka ka fulisay waxaanu yidhi “Hawl weyn ayaad qabateen oo aad u qabateen qaranka Somaliland, haddii hay’adaha qarankan u dhashay sidiinna oo kale u wada shaqeynayaan dalkuba hore ayuu u mari laahaa, dhinac kasta meeshi maanta noogu dareydna waad haysaan ka wasaarad ahaan iyo ka xukuumad ahaana waaanu idin soo dhaweynaynaa, kuwa idinka idinla midka ah-na waxaanu ku dhirigalineynaa inay hawsha dhankooda ay qabtaan oo wadanka wax ka qabtaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply