Mid Kamida Magaalooyinka Caalamka Oo Laga Mamnuucay Goobaha Qaar In Sigaarka Lagu Cabo

0
411

Magaalada Shanghai ee wadanka Chine ayaa laga mamnuucay goobaha qaarkood in lagu cabo sigaarka, waxaana amarkaasi soo rogay dawlada hoose ee magaaladaasi,waxaana ugu badan meelaha laga mamnuucay waxa ugu badan  goobaha dadku isugu yimaado , waxaanu mamnuucitaankaasi ka bilaabmi doonaa bishan March kowdeeda  ilaa bisha March ee ku xigta.

Sharcigan cusubi waxa uu ka fuli doonaa  goobaha dhismeyaasha ah, gaar ahaana Hudheelada , xafiisyada iyo goobaha gaadiidka laga raaco.

Dadka lagu qabto ayaa laga qaadi doonaa ganaax , iyada oo laga qaadi doono  lacago kala duwan , waxaana ugu yar 2000 oo lacagta Yuan-ta loo yaqaano oo dollar ahaana u dhiganta ilaa $294 dollar iyo 30,000 oo Yuan oo u dhiganta ilaa $4411 dollar, waxaana inta badan lacagtan laga qaadi doonaa dadka caadaysta .

Kuwa aan caadaysan waxa iyagana laga qaadi doonaa  50 yuan oo u dhiganta $7 dollar iyo sidoo kalena 200 yuan oo u dhiganta $200 .

Sharcigan oo kale ayaa hore loogu soo rogay magaaladaasi , iyada oo laga mamnuucay goobaha tareenada, madaaradda  iyo hudheelada, laakin waqtigaasi ma noqon mid socda.

Mulkiileyaasha  hudheelada,tagsiyada ayaa kala kulmi doona dhibaato badan mamnuucitaankan, madaama oo macaamiishooda ay ku jiraan dad badan oo sigaarka aad u caba , ayna adag tahay si ay ugu diidaan.

Qaybta caafimaadka ee dawlada hoose ee Shanghai ayaana u sheegtay wakaalada wararka ee Chine oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan in amarkani noqon doono mid la daba geli doono, lana fulin doono.

Leave a Reply