Sidee Ayaad u Noqon Kartaa Codkar Iyo Aftahan!

0
10525

Marka Qofku si wanaagsan oo kooban dadka uga dhaadhiciyo arinta uu rabo inuu u sheego, oo dadka hadalka deeqsiya waxa loo yaqaan codkar ama aftahan. Haddaba qof kastaa wuu noqon karaa Codkar, maxaa yeelay waa cilmi la barto.  Inkasta oo ay tahay  hibo uu qofku iska leeyahay , haddana cilmi ahaan waa loo bartaa.

Codkarnimadu waa erayga ” Orator” oo luuqadda Englishta ku soo biirtay 1374, waxayna asal ahaan ka soo jeeda latin waa speaker ama ” khudbadeeye” oo loola jeedo hadal yaqaan ama aftahan taasi oo muujinaysa in muddo hore la yaqaanay barashada codkarnimada.

Boqorkii Yamanta waqooyi xukumi jiray Imaam Yaxya Muxamed Xamiid Diin ee xukunka laga tuuray bishii Feberweri 17, sanadkii 1948,  ayaa dhalay wiil aan hadalka aqoon oo aad u khajila, haddana ahaa dhaxal sugaha boqorka. Wakhtigaasi ayuu Boqorku nin Ingiriisa ka codsaday sidii uu uga dhigi lahaa afthan. Ninkaasi markii uu siinayay barashada codkarnimada, wuxu uga bilaabay inuu u khudbadeeyo 100 Digaagood,  ka dibna boqolaal neef oo adhi ah, Fardaha iyo awrta waaweyn ayuu haddana ku siiyay inuu khudbad ujeediyo.

Intaasi ka dibna hablo da’ ahaan ka yar ayuu ku tababary inuu khudbad ujeediyo, hooyooyinka iyo islaamaha ayaa iyagna uu tababar ku siiyay. Wiilkaasi markii danbe wuxu noqday nin aftahan ah oo Carab oo dhan caan ka noqday.  Waxa halkaasi ka muuqanaya in Aftahanimada la baran karo, inkasta oo ay jirto qayb hibo ah. Wakhtigan waxa aad u barta siyaasiyiinta iyo garyaqaanda . Kiniisaduhuna waxay baraan badaariyada.

 

 

Leave a Reply