Caajis Awgeed Ayuu Gaajo U Dhintaa!

0
500

Xayawaanka kaymaha kan ugu xooga weyn uguna caansani waa Libaaxa, waxaana lagu magacaaba boqorka xayawaanka sababtoo ah waa mid ka awood badan xayawaanada kale isla markaana ay ka baqadaan. Waxa kale oo libaaxu caan ku yahay cod dheer oo aad u xoog badan isla markaana argagax sameeya waxaana laga maqali karo qiyaas dhan 10 Km.

Haddaba xayawaanka awoodahaasi leh nasiib daro mararka qaarkood ayuuba gaajo u dhintaa waxaana la sheegay inay taasi ugu wacan tahay isagoo ah xayawaan aad u caajis badan, waxaana la cadeeyay inuu maalintii hurdo 16 saacadood ugu yaraan, mararka qaarkoodna hurdada ka tooso isagoon lahayn awood uu ku dhaqaadho iyo mid uu ku ugaadhsado toon.

Leave a Reply