Midabada Kaneecadu Neceb Tahay!

0
495

Khubaro sayanis yahano ah ayaa soo saaray arrin yaab leh, iyagoo caddeeyay in Kaneecadu ay jeceshahay midabka madow, buluuga iyo kan doogada ah, isla markaana ay neceb tahay midabada boodhaha iyo caddaanka ah. Khubarada ayaa sheegay inay arinkaasi ku xaqiijiyeen markii ay tijaabadan marar badan ku celceliyeen isla markaana ay ogaadeen in maradii madoobayd ee ay tijaabada ku qaadeen ku fadhiisteen 1499., iyadoo tii cadaydana aanay helin waxa Kaneeco ah oo ku fadhiisatay.

Tijaabooyin kala duwan ayaa muujiyay in Kanceedu awood u leedahay jacaylka iyo nacaybka midabada. Iyadoo meelaha midabada ay jeceshahay ku aragato ay soo jiitaan halka kuwo ay neceb tahayna ka fogaato. Waxaana arinkani muujiyay la yaabka abuurka Allah (sw).

Leave a Reply