Dagaalka Internet-ka ee u Dhexeeya Ruushka iyo NATO

0
391

Ku xigeenka taliyaha ugu sareeya ee NATO ayaa dalbanayo in Ruushka uu u baahan yahay in looga jawaabo weerarada dhanka internet-ka ee uu ku hayo isbeheysiga.

Wuxuu sheegay in isbeheysiga ay waajib ku tahay inuu  jawaab degdeg ah ka bixiyo dacaayadda, iyo weerarada internet-ka ee Ruushka uu wado.

Waxaa kaloo uu sheegay in Ruushka uu xoojiyay weeraradiisa uu ku raadinayo wararka sirta ah.

Janaraal Adrian Bradshaw wuxuu sheegay in NATO ay sameyso dadaal badan oo Putin lagu baadhayo.

Xukuumadda Moskow ayaa dhowaan beenisay inay jabsatay kumbuutarada dalalka Isbeheysiga NATO.

Ruushka ayaa sidoo kale beeniyay inuu faragelin ku sameyay doorashada dalal kala duwan.

Laakiin wareysi uu siiyay BBC-da, Janaraal Bradshaw wuxuu qiray in isbeheysiga uu ka jawaabayo weerarkastoo lagu qaado barahooda internet-ka.

Weerarada waxay noqon karaan kuwo dhaliya “daandaansi” siyaasadeed ama raadin akhbaar.

Janaraal Bradshaw kama aanu hadlin nooca ay tahay tallaabada ay qaadayaan.

 

Leave a Reply