Dalka Sweden oo Noqday Dalka Ugu Nadaafada Badan Uguna Xashiishka Yar

0
406

Xashiishka laga helo xaafadaha wadanka Sweden ayaa noqday ku aad loo yareeyey, iyada oo uu gaadhey wadankaasi heer laga helo xashiishka gebi ahaantiiba 1% .

Xashiishka kazoo baxa wadankaasi ayaa gebi ahaanba laga dhigay mid dib loo wershadeeyo , iyada oo loo bedelo tamar, waxaanu Kulayl iyo Laydh siiyaa qoysas gaadhaaya ilaa 100,000 oo qoys, waxaana arrintani socotay laga soo bilaabo sannadkii 2016 kii.

Xashiishkan ayaa 99% laga dhigay mid dib loogu celiyo ka faa’idaysiga tamar ahaaneed, taas oo keentay in xashiishka wadankaasi laga helaa noqdo 1%, iyada oo inta kale laga faa’idaysanaayo .

Wadanka Sweden ayaa kamid ah wadamadii ugu horeeyey ee cashuuro dheeraada saara shidaalka  sannadkii 1991- kii , iyaga oo doonaayey inay ka faa’idaystaan tamaraha kale ee dib loo cusboonaysiin karo, sida ta xashiishka oo kale.

Waxaanay taas kaga horumartay wadamo badan, iyada oo sidoo kalena la wadaagtay wadamo ay kamid yihiin Ingiriiska oo isna tamartan oo kale ka faa’idaysta , halka ay jiraan qaybo Ingiriiska kamid ah oo dhirta laftooda loo adeegsado kululaynta guryaha.

Anna Karin Graybwol oo ah agaasimaha isgaadhsiinta ee Hay’adda dib u isticmaalka Xashiishka iyo Maamulida ayaa  sheegtay in aanay wadamada Koonfurta Yurub qaybo badan oo kamid ahi isticmaalin habkan, laakiin ay iyagu uga faa’idaystaan sidii ay uga dhalin lahaayeen tamaro kale oo ay ku yareeyaan shidaalkay isticmaalaan.

Waxyaalaha ay sidoo kale aadka uga faa’idaystay dawlada wadanka Sweden waxa kamid ah biyaha wasakhda ah oo ay dib uga dhigto kuwo nadiif ah, waxaana lagu isticmaalaa dhanka beeraha iyo sidoo kalena waxyaalo kale oo muhiim ah.

Anna Karin ayaa markale u sheegtay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan in ay dadka reer Sweden og yihiin muhiimada ay lee dahay ilaalinta degaanka dabiiciga ah.

Wadanka Sweden ayaa tusaale u noqonaaya wadamada kale ee isticmaala dhirta , taas oo dhibaato ku ah degaanka, waxa kale oo ay baraysaa sida loo isticmaalo xashiishka oo dib looga faa’idaysto.

 

Leave a Reply