Dawladda Turkiga ayaa u yeedhay danjiraha dalka Jermalka u fadhiya magaalada Ankara, iyada oo ka cabanaysa baajinta khudbad uu wasiir Turki ah u jeedin lahaa dad ku sugan magaalo Jermalka ku taala.
Wasiirka cadaaladda ee Turkiga Bekir Bozdag ayaa khudbad u jeedin lahaa dadka Turkiga ah ee qurbajoogta ku ah magaalada Gaggenau isaga oo taageere u muujinaya isbadallada muranka dhaliyay ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Laakiin maamulka deegaankaas ayaa ruqsaddii kala noqday isu soo baxaas, iyaga oo sheegay in goobta lagu qabanayay aysan qaadi karin dad badan.
Dawladda Turkiga ayaa xidhay todobaadkii hore saxafi haysta dhalashada Jermalka oo Turkiga u dhashay, taas oo uga sii dartay calaaqaadka labada dal.
Deniz Yucel oo u shaqeeya Die Welt ayaa lagu eedeeyay in uu soo saarayay borobogaando argagixiso uuna waxyeelayay dawladda Turkiga.
Saxafiyiin iyo qorayaal badan oo reer Turki ah ayaa xabsiyada loo taxaabay ka dib hawlgallo badan oo la sameeyay wixii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016kii, kaas oo looga gollahaa in xilka lagaga xayuubiyo Erdogan.
Go’aanka loogu yeedhay safiirka Turkiga waxaa lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavosoglu, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda.
Wasiirka cadaaladda ee Turkiga Bozdag ayaa hadda baajiyay booqashadiisii Jermalka, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmi lahaa dhigiisa Jermalka.
“Lama aqbali karo in Turkigu uu u dulqaadan waayo kulan ay soo agaasimeen bulshada Turkiga, iyadoo xukuumadaasi ay si joogto ah noogu jeediso khudbado la xidhiidha xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xoriyatul qawlka,” sida uu sheegay wasiirka Turkigu.
Si kastaba ha ahaatee saraakiisha magaalada Gaggenau waxay sheegeen in ay ruqsaddii kulanka ula noqdeen arrimo baaxadda goobta lagu qabanayo la xidhiidha.
“Sababtu waxaa weeye gobolka oo dhan ayaa hadda laga ogaa kulanka, magaaladuna waxay filaysay dad badan in ay soo booqdaan” sidaas ayay war qoraal ah ku sheegeen maamulka magaaladu.