Gabadh Shiine ah oo Toddobaad ku dhashay Saddex Carruur ah Iyo Sharci Yaqaanada oo ku Dawakhay Xukunkeeda

0
416

Gabadh soddon jir ah oo u dhalatay wadanka Shiinaha ayaa toddobaadkii ina dhaafay saddex jeer umushay saddex caruur ah , sida lagu daabacay wakaalada Chine News oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay.

Gabadhan ayaa markii kowaad dhashay wiil yar, iyada oo muddo ka dibna ay umushay wiil kale, waxaanay taasi keentay in ay isla toddobaadkaasi dhexdeedii ay umushay inan kale oo saddexaad, taas oo khal khal ku riday khubarada sharciga ee dalkaasi madaama oo uu dalkaasi u yaalay sharci iyo siyaasad dhigaaya in aan la ogolayn wax ka badan laba caruur ah.

Gabadhan ayaa sida wakaaladu sheegtay ka bad baadey dhalmadaasi, iyada oo markii hore dhibaato badan kala kulantay uurkaasi , waxaanay ay 21 bishii February dhakhaatiirtu ku wargeliyeen inay sido mataano.

Dhakhaatiirta ayaa warbixinta ku darin in mataanahani yihiin saddex , waxaanay moodayeen iyaga laftoodu inay laba yihiin, laakiin markii dambe waxa kusoo baxay arrin la yaab ku noqday oo ahaa in ay haweenaydaasi umushay saddex caruur ah oo dhashay waqtiyo kala duwan.

Labada caruur ah ee kale ayaa dhashay lix cisho ka dib markii uu dhashay ilmaha kowaad oo ahaa wiil, waxaana  arrintaasi aad ula yaabay dhakhtarkiiay kii hore ku umushay oo ahaa ka markii dambena ka umuliyey.

Dhakhtarka gabadhan ka umuliyey oo ka hadlaayey dhacdadan ayaa sheegay in aanu weligii dhacdadan oo kale la kulmin, isaga oo intaasi ku daray in ay tani u tahay isaga mid taariikhi ah.

Hooyadan iyo saddexda caruur ah ayaa hadda caafimaad qaba, iyada oo ay dhacdadani noqotay tii ugu hadal haynta badnayd warbaahinta dalka Chine toddobaadkan.

 

 

Leave a Reply