Gumaysiga Cajiibka Ah Ee Cayayaanka!

0
472

 

Xaqiiqooyin cilimi ah ayaa cadeeyay in Qudhaanjadu u nooshahay hab yaab leh iyadoo qoorkood ay gumaystaan qaybaha kale.  Waxa kale oo xaqiiiqooyinka cilmiga ahi cadeeyeen in Qudhaanjadu ka mid tahay cayayaanada si nidaamsan u nool, kuwaasi oo hogaano iyo hawl wadeenaaba leh.

Haddaba nooca Qudhanajada ee loo yaqaano Ants Thug ( Qudhaanjada dhiigyacabka ah)  ayaa noqotay nooca halis ah oo boob, gumaysi iyo dagaalo joogto ah ku haya qaybaha kale ee qudhaanjada la dersika ah. Anti Thug waxay weerarka ku dishaa boqorada qudhaanjada kale isla markaana qaybaha shaqaalaha ee soo hadhaya ayay maxaabiis ay ku shaqaystaan ka dhigaan, Waxayna usoo guraan raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahdaan.

Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale cadaysay nidaamka maamul ee ay dhisan tahay ka sakow inay Qudhaanjadu sida dadka subixii marka ay soo toosaan ay hamaansato. Waxayna arinkani noqday xaqiiqooyinka cilmiga ah ee cayayaanka ugu cajiibsan.

 

 

Leave a Reply