‘Mucaaridnimadu Maaha Muddaharaado la Abaabulkooda Lagu Faano’ Badhasaabka Maroodi Jeex

0
495

Hargeysa (Dawan) Badhasaabka gobolka Maroodijeex Cabdillaahi Jibriil Gaanuux (Buuraalle), ayaa tilmaamay in mucaaradnimadu aanay ahayn mudaharaadyo la soo abaabulo oo lagu faano balse ay tahay toosin, tilmaan iyo talo bixin, isla markaana wax laga xumaado ay tahay in xisbi mucaarid ahi uu wadankiisa u soo raaco cadawga.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay  iclaamiyaan mudaharaad lagaga soo hor jeedo qarannimada Somaliland, isla markaana ay la soo saftaan dad cadaw u ah Somaliland oo sita calankii buluuga ahaa ee lagu xasuuqay ummadda reer Somaliland.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay mucaarid wadankiisi u soo raacaya caddaw oo waliba masuuliyiinta qaar ka mid ahi intay Tv-yada soo fadhiistaan ku faanaya inay yidhaahaan waxaanu ka abaabuleynaa halkaaas mudaharaad, dadkaasi waxa ay huwan yihiin calankiii reer Soomaaliya, calankii buluuga ahaa ayay dhabarka ku sitaan key sheeganayaan ee ay leeyihiin anaga ayaa soo abaabuleyna waa kaa, xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waanan ka xumahay, waxaanan leeyahay walaalayaal mucaaradnimadu mudaharaado la abaabulo oo lagu afaano  maaha, ee mucaaradnimadu waa toosin iyo tilmaan”

Dhanka kale Guddoomiye Cabdillaahi Jibriil waxa uu bulshada u soo jeediyay inay aaminaan shilinkooda Somaliland oo ay qiimo u yeelaan ciddii diidana ay la soo socod siiyaan laamaha amaanka waxaanu yidhi  “Go’aankii iyo digreetadii madaxweynaha waxna waa ay fuleen waxna mey fulin, intii arrintan fulisayna waan ku hanbalyaynayaa, waxaanan leeyahay walaalayaal aamina shilinkiina Somaliland lacagtiina aamina dadweynahana waxaan ugu baaqaya in aanay dollar dadka la hor yaacine lacagtii wadankiina ayaad sidataane qofka u keena ka diidana anaga noo soo sheega, hay’adaha dawlada booliska iyo gobolku ba waa idiin diyaare u soo sheega.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply