Caadooyinka Cajiibka Ah Guurka

0
361

Qaarad la moodka Hindiya ah ayaa bulshooyinka ku nool  koox kasta dhinaceeda u leedahay dhaqano iyo caadooyin kala duwan marka ay dhinaca guurka noqoto.  Caadooyinka yaabka cajiibka ah la isu guursado waxa ka mid ah kuwan :

Guurka Barahama: Nooca guurkan waa in aabaha Inanta dhalay uu u raadiyo ninkii guursan lahaa inantiisa isgaoo ka eegaya dhinca akhlaaqda iyo aqoonta madaama inanta uu dhalay siinayo. Marka u aabahu ku guulaysto inuu soo helo wiil astaamaasi leh oo wiilkuna ka ogolaado wuxu inantiisa usoo bandhigaa inay iyaduna wiilkaasi uu usoo helay ogashahay iyo in kale. Haddii ay sidaasi ku waafqado labada qoys ayaa isu yimaadda ka dibna diyaariya xafladii guurka iyo rooska.

Guurka Arsha: Waxa kale oo caan ka ah guurka Arsha oo ah isna guur cajiib ah, waxaana ninka guur doonka ahi yarad ahaan ugu keenayaa aabaha dhalay gabadha Sac iyo wayl, ka dibna wuxu u ogolaanya inuu u guuriyo inantiisa,  iyadaoo wakhtiga arooska dhacayo la isla meel dhigayo oo goobtaasi lagu dhamaynayo.

 

Leave a Reply