Xoolahaaga Miyigee.
Dadku kugu majeertiyo .
Meesha aad ku dhaqantay.
Khayraad mugwayn.
Nimco lagu mannaystee.
Maarayso Noloshaada.
Meeristadan ayaan ka soo qaatay heesta Maarayso Noloshaada ee uu curiya Abwaan sarreeye Guudo Cali Barre Xuseen oo ay qaadaan kooxda Gaashaan waxay ka hadlaysaa in umad kasta looga baahan yahay in ay maaraystaan mahuraanka noloshiisa.
Haddaba in aynu maaraysano nolosheena waxaa lafdhabar u ah in anu ku baraarugno dabar go’a xoolaha nool oo ah halbawlaha iyo lafdhabarta nolosheena waxaan ognahay in sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha dollarka ay qayb ka tahay xidhnaanta xooleheenii u dhoofayay dalka Sucuudiga iyadoo ay taasi jirto ayay hadana dalka ka jirtaa abaar baahsan o aad iyo aada ay xooluu ugu lee’deen.
Waxaana loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah in dib aynu u eegno oo aynu is waydino in aynu daryeel dhab ah u samayn karno xoolihii oo aynu tarantoodii soo celin karno iyo in aynu qaban karno wax badan oo guud ahaan tarantii xoolaha dib aynu ugu so celin karno taasoo aynu uga dan leenahay in aynu maarayno nolosheena.
Haddaba si aynu u maarayno nolosheena waa in aynu ogaano waxa ugu wayn e nolosheenu ay ku tirsan tahay in ay xoolaha nool yihiin haddii aynan daryeel dhab ah u samayn oo aynaan daba qaban xoolaha inaga baxay soo kabashadoodii oo aynu eegno oo keliya sida ay ugu lee’deen abaarta isla markaana aynu doono in ay nolosheena lafdhabar u ahaadaan taasi suuragal maaha waxaanay xaqiiqadu tahay in ay xooluhu dhammaan donaan isla markaana aan la heli doonin soof nool oo innoo foofa waana xaqiiqo cad in aynu dhammaanteen caydhoobayno haddii aan maanta xaalada taagan aan laga gurman.
Haddaba kol haddii aynu cad iyo caano dhammanteen aan wada doonayno oo qof yar iyo mid wayn rag iyo dumar siqiir iyo kabiir aynaan ka maarmayn cad,caano iyo subag saw in aynu tabcano maaha oo aynu ku baraarugno halka ay xooluhu inoogu jiraan iyo kaalinta ay nolosheena ku leeyihiin ee ay kaga jiraan xooluhu taasina waxay inoo sahlaysaa in aynu dhaqashada xoolaha u dhaqaaqno oo ay inaga go’naato in aynu xoolaha sida ugu wanaagsna u daryeelo haddii kale waa caydh iyo cuud la,aan.