Dayaarad dagaal oo ay lahaayeen milateriga Suuriya ayaa ku burburtay xuduudka u dhexeeya Suuriya iyo Turkiga.
Duuliyihii waday ayaa la helay isaga oo nool, waxaana loo qaaday cusbitaal,halkaasi oo
lagu daweynayo.
Sida ay wararku sheegayaan duuliyihii oo ah suuriyaan ayaa ka goostay dayaarada ka hor intaanay ku burburin koofurta Turkiga.
Waxa la sheegayaa inuu dhabarka wax ka noqday,haseyeeshee aanay xaaladiisu sidaa u sii ba’nayn.
Inkasta oo aan weli la cadeyn waxa sababay burburka dayaaradda, haseyeeshee koox islaami ah oo la dagaalanta Madaxweynaha Suuriya Asad ayaa sheegatay in ay iyagu toogteen, balse war lagama hayo dowladda Suuriya.
Duuliyaha ayaa la helay sagaal saacadood kadib isaga oo daalan.
Saraakiisha ayaa ku sheegay oo keliya inuu yahaymuwaadinSuuriyaan ah,haseyeeshee shaqaalahacaafimaadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inuu magaciisu yahay Mehmet Sufhan oo , 56 jir ah.
Saraakiisha ayaa ku sheegay oo keliya inuu yahaymuwaadinSuuriyaan ah,haseyeeshee shaqaalahacaafimaadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inuu magaciisu yahay Mehmet Sufhan oo , 56 jir ah.