Dux Xoolaad La Dheefsan Maayo Haddaan La Badbaadin

0
438

Xoolaha Nool oo ah lafdhabarka dhaqaale ee aynu ku faano,ayaa  maanta  halis ugu jira in ay meesha ka baxaan oo ay noqdaan kuwo dabar go’a oo dhammaantood lee’da dhamaantood,taasoo meesha ka saaraysa  in aynu xoolo dhaqmaad ah yeelano isla markaana dhabar jab ku ah dhaqaalaha nolosheena ee illaa heer mustaqbal.

Hadaba waxaa inala gudboon inaynu ka wada gurmano Xoolaha abaaruhu ku dhufteen ee halista ugu jira in ay dhamaadaan waxaanay wakhtigan marayaan in ay  guud ahaan u idlaadaan xaalada abaareed ee dalka goboladiisa bariga ku dhufatay.

Waxaan wada ogsoonahay in nolosheenu ku jirto Xoolaha nool ee aynu dhaqmaadkooda ku halaynay oday iyo islaan da’ ah oo aynu miyi kaga nimi kuna rafaadsan waxaana  hubaal ah in dhamaan nolosha magaalo ay ku tiirsan tahay ta miyiga maanta halista ku jira ee abaaruhu aafeeyeen.

Waxaa xaqooqo lama dafiraan ah in reer magaal haddii ay ku faanayaan Dollar iyo daaro dhaadheer in ay ka yimaadeen oo laga tabcay miyo isla markaana laga hodmay xoolaha nool hadaba haddii aynu doonayno in ay nolosheenu sii jirto waa in reer magaal aanay ku daawan dhibaatada Rabbaaniga ah ee maanta haysata reer miyiga ee waa in ay gacan walaalnimo u fidiyaan oo maanta jeebabkooda iyo qasnahadooduba ay furnaadaan.

Waxaa wakhti xadirkan dalka goboladiisa bariga ka jirta xaalad aad u adag oo saamaysay nolosha dad iyo duunyo isla markaana u baahan in wada jir looga gurmado oo aan la isku dhaliilin iyo in aan cidna lagu eegin ama aan lagu canaanan sababtoo ah abaaraha dawlad iyo shicib mucaarid iyo muxaafid midna ma qaadi karo awoodna uma laha in ay dadka ka kor qaadaan oo waa awood ALLE oo kali ahi uu leeyahay laakiin waxaa laga maarmaan ah in aan la dhayalsan u gurmadka dadka tabaalaysan ee duunyadii ay ku noolaayeena ka baxday iyaguna samato bixinta u baahan.

Ma jiro guri reer Somaliland ah oo ka maarmi kara dux xoolaad mana jiro ganacsade odhan kara reer miyi waxba ugama baahnin oo waxaay runtu tahay in lafdhabata dhaqaalaha daleenu in uu ku tiirsan yahay xoolaha nool oo dawlad iyo ganacsatoba laga wada faa’iido.

Laga soo bilaabo gaadiidlayda miyiga ka soo qaada Xoolaha nool,tuulooyinka canshuraha ka qaata,sayladaha magaalooyinka marka  loo iibkeeno dilaal illaa iibsade,sii iibiye qale iyo dhoofiyeba waxaa laga wada macaashaa waa xoolaha nool mid caanihiisa iibiya mid hilibkiisa qala oo ka ganacsada mid hudheel haysta oo kariya iyo dukaan subaggooda iibiya iyo mid haragooda ka macaasha iyo dawlad intaaba canshuurtaba waxaynu ku dhisanahay oo nolosheenu ku tiirsan tahay waa miyi  iyo xoolo nool.

Hada waxaa loo baahan yahay in reer magaal taajir iyo siyaasi mucaarid iyo muxaafid shicib iyo dawlad in ay iska kaashadaan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka miyiga ku tabaalaysan ee xaalada adage e nololeed ku jira,laakiin haddii uu reer magaal maanta dareemi waayo dhibaatada walaalahooda miyi ay ku sugan yihiin oo ay daaraha iyo laydhka moodaan in ay ku sii noolaanayaan oo aanay saamayn ku yeelanayn halista abaaraha miyiga ka jiraa waxaa hubaal ah in nolosha miyi iyo magaalo ay isku lamaan yihiin iskuna xidhan yihiin waliba reer magaal uu yahay ka hela ama dheefsada faa’iidooyinka wax soo saarka reer miyigu ay soo saaraan.

Ugu dambayn waxaa inagu wada waajib ah in aynu u wada gurmano dadkeena reer miyiga ah ee abaaruhu ku dhufteen ee xaalada adag ku jira.

 

 

 

 

Leave a Reply