Eedeynta Trump ee Obama iyo Jawaabaha laga Bixiyay

0
430

Agaasimihii sirdoonka qara ee xilligii doorashada Mareykanka ayaa gaashaanka u daruurey in ay jirtay wax la dhegaystay ooteldoonada Dnald Trumpahaa xilligii ololihiisa.

James Clapper waxa kaleoo uu u sheegay warfidiyeenka in aanu ogeyn wax amarmaxkamaeed ah oo lagu fasaxay in lagula socdo dhismaha Trump Tower  ee  New York.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay maamulkii Obama in uu dhagaystay wicitaannadiisa teleefoonka, waxyar ka hor markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.

Mr Trump oo fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaanan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku aadan arintaasi.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku eedeeyay Trump in uu indhaha shacabka ka leexinayo baaqa ah in baadhitaano madax bannaan lagu sameeyo xidhiidhka la sheegay in uu la leeyahay saraakiil Ruush ah.

Dhanka kale afhayeenkii Madaxweynihii hore Kevin lewis ayaa sheegay in aysan jirin Obama iyo cid ka tirsanayd Aqalka Cad oo amartay in muwaadin Maraykan ah in si sir ah loo dhageysto telefoonkiisa.

Mr Lewis oo ah fhayeenka Madaxweynihii hore ee Mareykanka , Mr Obama ayaa intaasi raaciyey in ay aysan wax ka jirin eedeymahaasi.

 

Leave a Reply