Furaashka Geerida Ayay Ku Qiratay Dilka Ninkeeda!

0
378

Ka dib markii ay muddo sanado ah lamaanaha John iyo gabadhiisa Kelly uu muran xoogan ka dhexeeyay, ayay maalintii danbe gabadhu go’aansatay inay disho. Isla markii uu guriga yimi ayay rasaas madax kaga dhufatay oo uu halkaasi ku dhintay. Laakiin maydkiisa ayay ku riday qaboojiyaha, halkaasi oo uu maydku yaallay muddo 7 sano ah. Booliiska ayaa ku daalay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, raq iyo ruux.

Caruurteedu marka ay weydiiyaan aabahood waxa ku dhacayna waxay ugu jawaabi jirtay waxa jiidhay gaadhi oo wuu dhintay. Sanadkii 2004 , wakhtigaasi oo uu six un hayay xanuunka kansarka naasaha ayay u sheegtay inanteeda ay dhashay ee weynd. Inanta aya booliiska u yeedhay waxayna ka heleen maydkiisa talaajad wax lagu kaydiyo oo taallay qolka istoodhka  guriga oo ku yaallay Californiya taasi oo aan cidina si joogto ah u isticmaalin lagana kaaftoomay. Markii Booliisku fureen Talaajadda Waxay ka heleen jidhkii ninkeedii John oo gebi ahaanba barah fadhiistay noqday.

Leave a Reply