Amuskiisa Ayuu 8 Sano Jeel Ugu Jiray!

0
370

Ninka lagu magacaabo Fritz Moen oo ahaa nin xishood badan oo dhega la’ isla markaana ay haysatay dhibaato dhinaca hadalka ayaa la xidhay sanadkii 1987, ka dib markii lagu eedeeyay inuu kufsaday isla markaana dilay gabadh 20 jir oo Norway u dhalatay. Looma helin wax cadayn ah denbigaasi .

Laakiin sanadkii 2005 ayuu la odhan jiray Torhespo oo wakhtigaasi sakaraadku hayay, kuna jiray saacadihii ugu danbeeyay noloshiisa qirtay inuu dilay saddex halbood oo ah kalkaaliyaal caafimaad , isagoo si buuxda u wada tilmaamay goobihi uu ku dilay iyo magacyadoodii oo ay ka mid ahayd gabadhii loo haystay dhegoolaha. Isla saacadahaasi ayaa la sii daayay dhegoole Moen oo u xidhnaa kiiskaasi 8 sano.

 

 

Leave a Reply