Pessimist “Wuxuu Bulshada Ku Abuuraa Cabsi Iyo Werwer”

0
392

Bishii Novemeber 14, sanadkii 1765 ayuu Ingineer Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Robert Fulton si rasmi ah ugu guulaystay inuu curiyo doonidii Uumiga ku shaqaynaysa ee mishiinka lahayd ( steamboat) , taasi oo loo bixiyay “The North River Steamboat of Claremont” iyadoo wakhtigaasi wixii ka horeeyay la isticmaalayay Doonida Shiraaca ahayd.

Doonidan ayaa isaga gooshtay magaalooyinka “New York” iyo Albany oo isu ira 300 mayl waxayn ku qaadatay 62 saacadood.

Markii uu Robert Fulton ku guulaystay (Steamboat) ayuu bulshadii  u sheegay inuu isugu yimaadan webiga dacalkiisa si ay u arkaan doonida istidhaakeeda iyo weliba socodkeeda. Dadkii ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa nin dhinaca xun wax ka eega “ Pessimist”. Markaasi ayuu yidhi “ Doonidaasi ma istaadhmi doonto”. Lakiin way istaadhantay, haddana mar kale ayuu  yidhi “ Doonidan ma dhaqaaqi doonto”. Markii ay dhaqaaqday ayuu ugu danabystii hadal yaab leh yidhi “ Bal waayahaye waa taasi dhaqaaqdee yaan joojin doona”? . Sidaas ayay in badan oo dadka ka mid ahi u yihiin kuwo aan weligood wanaagga sugin ee fikirkooda xuma eega soo horaysiiya, dadka ku abuura cabsi iyo werwer.

 

Leave a Reply