Hargeysa (Dawan)- Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu xarunta taliska birmadka ku qabtay habeen hore , waxa uu ku sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhiigeen Gaashaanle Yuusuf Cismaan Cali (Daanyeero) oo ka tirsan ciidanka laanta Socdaalka oo habeenimadii 6-dii Bishan dhaawacay Taliyihii Saldhiga degmadda Maxamuud Haybe ee caasimada Hareysa, Kabtan Cabdi Kayd Halac iyo askari ka tirsan saldhigaas.
Taliyuhu waxa uu xusay in eedaysane Yuusuf Daanyeero iyo laba wiil oo uu dhalay oo kula jiray falkaasi habeen hore 3:00 habeenimo ciidanka boolisku hawlgal ballaadhan oo ay sameeyeen kaga soo qabteen guri ku yaalla magaalada Wajaalle ee gobolka Gabiley. Labadiisa wiil ee lala soo qabtay waxa uu magacyadooda ku sheegay Taliyuhu in la yidhaahdo Cabdirashiid Yuusuf Cismaan iyo Cabdifataax Yuusuf Cismaan.
“Caawa (habeen hore) saacaddu waa 4:00 Habeenimo, mahad oo dhammina Ilaahaybaa ay u sugnaatay, waxaa magaalada Hargeysa 6/3/2017 1:30-habeenimo, ka dhacay fal aad u fool xun, meesha loo yaqaanno kaalinta sideedaad, ayaa waxaa rasaas ka riday nin la yidhaaho Gaashaanle Yuusuf Cismaan Cali (Danyeero kana mida ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland. ciidanka booliksu waa naftood hureyaal,waxaanay heegan u yihiin ilaalinta nabad-galiyada qaranka iyo ilaalinta bulshada,markii rasaastaa la maqley waxaa si deg dega ugu soo baxay taliyihii degmada Maxamuud Haybe Kabtan Cabdi Keyd Halac, oo ah taliyihii saldhiga degmada Maxamuud Haybe ee EX-Qudhac-dheer, goobtaas waxa uu kula kulmay eedeysanaha koowaad rasaasna waa uu ku riday, rasaastaasina waxay dhaawacday taliyaha saldhiga iyo askari la socday.
Ciidaanka boolisku waxay wadeen , war-doon, xog-dheeraada iyo daba-gal, iyaga oo Ilaahayna talo saartay, iyada oo aan ilaa habeenkii falkaasi dhacay aan loo kala hadhin min dable ilaa wiilka imika ka soo baxay dhibooga, islamarkaana aan heegan galiyay ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland, si aanay u baxsan ciddii falkaasi gashay. Markii aanu helay xogo dhaba oo ah ta had iyo goor ay ciidanka Booliska Somaliland ay ku go’aan qaataan. ciidanka Boolisku abaaro 2:00-habeenimo ay u baqooleen dhinaca galbeed ee gobolka Gabiley, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha aan kor ku soo xusay iyo laba wiil oo uu dhalay, kana mida dadkii falka ku gacan siinayay, lana kala yidhaaho Cabdirashiid Yuusuf Cismaan Cali iyo Cabdifataax Yuusuf Cismaan Cali, dhammaan saddexda eedeysanaba hadda waxay ku jiraan gacanta booliska,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.
Taliyuhu wuxuu digniin u jeediyay cid kasta oo fal amniga wax u dhimaya isku dayda, waxaannu yidhi;“Waxaan halkan uga sheegayaa cid kasta oo isku dayda in fal amni darro ah dalka ka rido dabadeedna ay si fudud u baxsato inaanay u suura-galaynin, bulshadana waxaan u soo jeedinaya in cidda xun ee fal amrni-darro gasha aanay gacan ku siinin arrintana cid kasta oo lug ku yeelata amase ay gasho waxaa la hor-geyn doonaa sharciga. eedaysanaha isaga laftiisa dhaawac fudud ayaa lugta kaga yaala, dhaawacuna waxa uu ka soo gaadhay markii arrintani dhacaysay, arrintani waala baadhayaa si degdega ayaana sharciga loo horgeyn doonaa.”
Taliye Fadal, waxa uu si weyn ugu mahadceliyay ciidanka Booliska oo uu ku sifeeyay naftood hureyaal nabadgelyada dalkooda xasladay, waxaanu ammaanay dhammaan ciidankii booliska ee hawlgalkaas fuliyay laga bilaabo Taliye Ku-xigeenkiisa koowaad illaa askariga dablaha ah ee ka qaybgalay hawl-galka.
Shirka jaraa’id ee Taliyaha ciidanka booliska, waxa goob-joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka koowaad sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), Hoggaannada, Taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska.
Dawannews Hargeysa office