Hooyada Wanaagsan iyo Tarbiyada Ilmaha

0
920

Markii uu soo galay ninkii siday Ice Creamka ayuu ilma yar oo ka mid ah ardayda uu fadhiistay oo sujuuday. Wiilka yar markii la weydiiyay sababta uu sidan u yeelayo. Waxa uu ku jawaabay “ Hooyaday ayaa sujuuda marka uu yimaado ninka iibiya Ice Cream-ka.

Wiil yar oo kale oo ka shaqaynayay Masaajidka nadaafadiisa ayaa diiday inuu  ka qaato lacag shaqada nadaafadda Nasjidka, waxaana uu yidhii: “ Hooyaday ayaa igu tidhi , haka qaadan shaqada aad masaajidka u qabto wax lacag ah, waayo adiga kaama xigaan”. Haa, caruurtu waxay ku daydaan waalidkooda , sidaas darteed waa in aynu ka ilaalino ubadka wixii ku keenaya dhaqan xumo

Haddaba waxa loo baahan yahay in ubadka lagu tarbiyeeyo akhlaaqda wanaagsan.  Sidaas darteed wixii Ilmahaaga yari kaa arko wanaag iyo xumaanba wuu kaaga dayanayaa.

Leave a Reply