Maraykanka Oo Soo Saaray Diyaarad Dagaal Oo Nooceedu Cusub Yahay

0
321

Dalkaasi Maraykanka ayaa soo saaray diyaarad kuwa dagaalka ah , taas oo nooceedu ku cusub yahay noocyada hubka ee la isticmaalo waqtigan, waxaana diyaaradan soo saartay wasaaradda difaaca ee wadankaasi Maraykanka.

Diyaaradan ayaa loogu talo galay ciidamada Cirka ee wadankaasi, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan, waxaanu nooceedu noqonayaa diyaaradan Helicopter.

Waxa diyaaradan ku rakiban qalab cusub oo casri ah, kaas oo ay ku jiraan qalabyo kuwa basaasitaanka ah, waxaanu qalabkani si fudud u ogaan karaa hubka kala duwan ee yaala dhulka ama goobaha ay ka dagaal gelayso.

Sidoo kale waxa ku xidhan Kamarado kala duwan , kuwaas oo si toosa sawirada ay  qaadaan ugu diraaya xeryaha ciidamada ee markaas ka ag dhow, kuwaas oo iyaguna isla waqtigaasi diyaaraddaha duqaymaha usoo diraaya goobtaasi.

Diyaaradan ayaa kamid noqonaysa diyaaraddihii ugu dambeeyey ee kusoo biira qalabka dagaalka ee caalamka, gaar ahaana kuwa dawlada Maraykanka .

 

 

Leave a Reply