Xayawaanka loo yaqaano Raha ayaa la ogaadan inuu awood u lee yahay inuu arko habeenkii Midabada kala duwan, isaga oo si toosa u kala saarayaa Kalaradaasi uu arkaayo ama uu arko, waxaana khubarada daraasadan samaysay sheegeen inuu lee yahay Rahu unugyo uu kaga duwan yahay xawanaadka kale dhanka aragtida.
Unugyadaasina waxa kamid ah Ratiinaha unugyada loo yaqaano ee indhaha ku yaala oo ah kuwo leh laba qaybood oo uu dheer yahay dadka, kuwaas oo kala ah Rods qayb la yidhaahdo iyo qaybo kale oo la yidhaahdo Cones, kuwaas oo u ogolaada inuu arko Kaladhadaasi.
Qaybta loo yaqaano Cones ka ayaa awood u leh inay si toosa ugu saamaxaan inuu Rahu arki karo Kaladhadaasi , isaga oo si fudud weliba u kala garan kara, waxaanu u baahan yahay oo keliyaata laydh waxoogaa ah.
Qaybtan ayaa dadka iyo xayawaanada kale qaar badan oo kamid ah ku yar , halka aanay qaarkoodna lahaynba, waana ta keentay in aynu aragno oo keliyaata habeenkii kaladhada Madowga iyo Cadaanka.
Professor Almut Kelber oo u waramaayey wargeyska Dialy Mail oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay yaab tahay in xayawaanka noocan oo kale ahi awoodo inuu kala saaro sidoo kalena arko Midabada kala duwan habeenkii, waxaanu intaasi ku daray in aanu weligii rajaynayn tan oo kale.