Qeybaha kala duwan ee ciidammada Mareykanka ayaa waxa ay is dhaafsadeenn sawiro qaawani ah oo ay u diraan dumarka ay isla shaqeeyaan.
Arrintaas ayaa hadda noqotay fadeexad weyn oo ku baahday baraha bulshada.
Warar shaaca laga qaaday isbuucii tagay, ayaa muujinaya inay baahday sawirada ay ciidamada Mareykanka iska qaadaan iyagoo qaawan.
Ciidammada horey uga midka ahaan jiray mariniska ee Facebook isticmaala, waxay dalbanayaan in baadhitaan lagu sameeyo arrinta.
BBC-da waxay aragtay caddeymo ah sida askarta ay isugu direen boqollaal sawir oo muujinaya iyagoo qaawan.
Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxay sheegtay in dhaqamada noocaas ah ay “Khilaafsan yihiin” qiyamka ciidamadooda.
Ciidamada ragga ah ee ku jira militariga waxay adeegsadaan bar qarsoodi ah oo ay sawiro qaawan ugu diraan dumarka ay isla shaqeeyaan ee militariga ku jira.
Ragga ayaa sidoo kale barahooda bulshada saarto dumar dhar xidhan oo ciidamada ka mid ah, waxayna ka dib askarta kale ee ay isla shaqeeyaan waydiistaan in ay ayagoo qaawan sawiro iska qaadaan taas oo ay ugu yeedhaan “guulaha”.
Ka dib sawiradaasi lala wadaagay ayey ku baahiyaan baraha bulshada.
Mararka qaar, markay daabacaan sawirada, waxay ku qoraan magaca qof dumar ah iyo akhbaarteeda oo ay ka mid tahay meesha ay ku sugan tahay.
Fikrado aad u xun ayaa meelo badan lagu daabacay oo lagu aflagaadeeyay dumarkaasi.
Bar koox oo Facebook ah oo ay ku jiraan 30,000 oo marinis ah ayaa la xidhay dhowaan, ka dib markii fadeexada ay soo baxday.
Taliyaha ugu sareeya ciidamada Mariniska Mareykanka ayaa fadeexada soo shaacbaxday ku tilmaaamay “weji gabax”.