Gabadha Caalamka Ugu Buuran Oo Uu Saddexdii Toddobaad Ee Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Culays Dhan 100 Gram

0
384

Gabadha caalamka ugu buuran oo lagu magcaabo Iman Abdul Ati ayaa lumisay culays dhan ilaa 100 Gram, kadib markii la geeyey wadanka India oo lagu sameeyey qaliin la doonaayey in lagaga kala rido culayska badan ee gabadhan fuulay.

Gabadhan oo waqtigan ku jirta cisbitaal ku yaala dalkaasi Hindiya ayaa qaadanaysa daweyn , sida uu daabacay wargeyska Hindustan Times oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan.

Dhakhaatiirta ku hawlan daweynta gabadhan ayaa sheegay inay  doonayaan inay ka ridaan gabadhan  culays dhan ilaa 200 kg 6 bilood ee soo socota, waxaana gabadhan lagu sameeyey  laba qaliin oo kala duwan.

Gabadhan ayaa ah da’ahaan  ilaa 36 sanno , iyada oo lagu dedaalaayo  sidii ay gabadhaasi u noqon lahayd mid fadhiisan karta  iyo sidoo kale mid fadhiga wax ku cuni karta.

Wasiirka  Arrimaha Dibada Dalka Hindiya ayaa sheegay inay doonayaan inay daweeyaan gabadhan reer Masar, iyada oo hadda culayskeedu maraayo ilaa 500 kg, waxaanay lumisay awoodeedii dhanka socodka , gaar ahaana guriga dhexdiisa.

Waxaanu gurigeedu ku yaalaa magaalada Alexandria ee wadanka Masar ,waxaana lasoo dersay xanuuno kala duwan intii ay sidan u cuslayd , taas oo keentay in dalkaasi India loo qaado laguna qalo.

Leave a Reply