Magaalo Shilalkii Gaadiidka ku Dawaysay Dirawalka Laba Goor Shil uu Qaladka Leeyahay Gala In Aanu Dib Baabuur U Wadi Karin

0
317

Dalka Maraykanka gobolka Indaina magaalo ku taalla oo shilalka gaadiidku aad ugu bateen ayaa la bedelay tilmaamaha waddooyinka iyo goobaha isgoysyada waddooyinka. Waxa kale oo la sameeyay in darawalkii  shil gala  ee gefka yeesha in calaamad huruud ah liisankiis lagu dhigo, haddii uu laba jeer oo dambe sidaasi khalad ku yeeshana laga mamnuuco waddida gaadiidka, loona sheego inuu shaqo kale raadsado hadii ay shaqo u ahayd.

Arintaasi ayaa keentay inay aad hoos ugu dhacaan  shilalka gaadiidku 80%.  Waxa kale oo ay  hoos u dhigtay isticmaalkii shidaalka.waxaana hoos uu ku yimi   shidaalka bansiinka  oo hoos u dhacay qiyaas dhan 24 kun oo gallon ama 120 kun litter sanadkiiba.

Leave a Reply