Abaal marinta nabadda ee Nobel waa mid ka mid ah shanta abaal marinood ee Alfred Nobel u sameeyay sanadkii 1895. Illaa manta lama garanayo sababta uu abaal marinta nabadda uga dhigay mid ka mid ah abaal marinnada kale oo iyagu kala ah Chemistry, Literature, Physics, Physiology or Medicine.
Abaal marinnada aan nabada ahayn waxa la siiyaa qofka wax ku soo kordhiya, lakiin tan nabadda kolba qof ka la doono ayaa la siiyaa kaasi oo la sheego inuu nabadda ka sheqeeyay. Laakiin dad badan ayaa aaminsan inu Nobel ahaa ninkii curiyay Miinada inkastoo aan la isticmaalin intii uu noolaa, haddana uu ula jeeday inuu abaal marinta nabadda uu ku dhiirrigeliyo nabadgelyada madaama uu hore u curiyay Miinada halaagga ah.
Sanadki 1939 ayaa loo sharraxay inuu abaal marinta nabadda la siiyo Adolf Hitler, iyadoo la sheegay in markaasi lagu dhiirigelinayay si uu nabadda uga sii sheqeeyo nasiib darro wakhtigii la siin lahaa waxa ka soo hormaray dagaalkii labaad oo bilowday. Waxaana Hitler la doonayay in loo siiiyo si loogu dhiirgeliyo inuu nabadda qayb ka qaato ka dib hanjabaadiisa badan.