Shirkadda Google Oo Soo Saartay Koofiyad Muraayad Kamaraddi Ku Xidhan Tahay Leh

0
277

Shirkadda Google ayaa soo saartay Koofiyad lagu sameeyey xageeda hore muraayad lagu rakibay Kamarad, taas oo qofka awood u siinaysa inuu sawiro qaadi karo, sidoo kalena muqaal uu duubi karo.

Waxa kale oo uu awood u lee yahay inuu waxyaalaha uu duubo ama sawiradda uu qaado uu soo dhigi karo meelaha Bulshada ee Facebook-gu ka mid yahay iyo sidoo kalena inuu u diri karo Mobile kiisa, isaga oo isticmaalaaya Bluetooth ahaan.

Waxaana koofiyadan waqtiga wax lagu duubaayo ama lagu sawiraayo loo adeegsan karaa Remote lagu hagaayo, taas oo qofka ka dhigaysa mid aan cidi dareemin inta uu hawshan ku jiro.

Karamadan ayaa ah mid tayo ahaan aad u wanaagsan, iyada oo waxyaalaha ay duubayso iyo sawiradda ay qaadayso ka dhigaysa kuwo si weyn loo arki karo  ama loo daawan karo, waxa kale oo adeegsanayaa qalabka loo yaqaano GPS-ka oo isaga laftiisu ah ka hagaaya .

Koofiyadan ayaa lahe  ama soo daynaysa cod sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan, iyada oo sidoo kalena leh Microphone codka si fiican u duubaaya, isaga oo ka ilaalinaaya inuu galo wax tashuush ah ama codad dad kale oo aan meesha ku jirin.

Codka ay samaynayso koofiyadani ayaa si toosa loogu xidhiidhinayaa gudaha hore ee dhegta qofka xidhan, iyada oo noqon karta mid dadka dhegaha culus laftoodu ay xidhan karaan.

Koofiyadan ayaan weli suuqa soo wada gelin, iyada oo la rajaynaayo inay dhowaan soo gasho, waxaanay maraysaa waqtigan tijaabooyinkii dhexe, iyada oo dhowaana mari doona tijaabooyinkii ugu dambeeyey.

 

 

Leave a Reply