Laascaanood (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaalada Jamhuuriyada Somaliland, Yuusuf Axmed Faarax oo ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaarada Caddaaladda iyo xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Wasiirka oo ka mid ahaa wefdi ballaadhan oo uu hoggaaaminayey wasiirka Daakhiliga, Yaasiin Maxamuud Xiir oo maalmihii ugu dambeeyay hawlo shaqo u joogay Lascaanood, waxaanu wasiirku halkaasi warbixin kaga dhagaystay isu duwaha wasaaradda Caddaale ee Gobolka Sool.
Isu duwaha wasaaradda Caddaaladdu ee gobolka Sool Jaamac Faray ayaa wasiirka uga mahad naqay booqashadiisa hawleed, waxaanu yidhi ”Ugu horreyn wasiir waanu kaaga mahad celinaynaa kulanka aad nagula qaadatay xarunta gobolkan ay ku leedahay wasaaraddu ee aanu ka hawl-gallno, adiguna aad madaxda noogu tahay, iyadoo weliba ah maalin Jimce ah, mar labaad wasiir wasaaradu waxaa dhismaheedu jiraa afar sanno ilaa shan sanno, waxay ka kooban tahay xafiiska isu duwaha, hoolka shirarka ee wasaarada, suuliyadii iyo deyrkii, waxaana ka hawlgala aniga oo isu duwe ka ah iyo shan qof oo shaqaale ah.”
Jaamac Faray waxa kale oo uu intaasi ku daray “Mudane wasiir waxaa sida kuu muuqata dhisme ahaan in ay yar tahay xarunta wasaaradu, ha ahaatee ay u weheliso burbur iyo jajab dildilaac u badan iyo dayac dhisme, kaas oo ah mid haystay labadii sanno ee u danbeeyey, taas oo loo baahan yahay in laga gaadho oo dayactir lagu sameeyo oo bal kordhinta baahiyeed ee ay qabtaa ha joogtee in wasiir laga gaadho oo wax laga qabto inta dhisan”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Axmed Faarax oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi, ”Marka ugu horraysa wasaaraddu way cusub tahay, waana burbursan tahay, waa masiibo ay sababayso dabagal la’aan aan cidi ku daba gelayn ciddii lagu siiyo qandaraas, ka dibna uu shaqsiga ama shirkadaasi sida ay doonto iyo waxa ay doonto ku sameyso, dawladana la tuso nashqad rinjiyeysan oo aragti ahaan lagu qanco, hase ahaatee uu yahay dhismahaasi mid hoosta ka daloola sida wasaaraddan oo kale, iyadoo ay la qabaan wasaaraddo badan oo kale iyo dhismeyaal kale oo ay dawladdu ugu talo gashay in ay ummadda iyo shacabku ay kaga maarmaan baahiyo badan oo ay qabaan, iyadoo dawladdiina aan waxba ku baaqan, waxaana sidaan hore u sheegay sabab u ah in aanay jirrin cid ku daba gelaysaa iyo sida ay shirkadaasi waajibkeedii ay ballan qaaday uga soo baxday, iyo sidoo kale shirkadahaa dhismayaasha qandaraas la siiyo oo u badan deegaankan hadana aad mooddo inay yihiin kuwo lexejeclo aanay ka hayn dalka, dadka iyo deegaankaba”.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu ka mid ahaa wafdi ballaadhan oo gobolka ku sugan isla markaana baahiyo saamayn badan ku leh dadka iyo deegaanka ay u socdeen, kuwaas oo ay u kuurgelistooda u yimaadeen, sida abaaraha oo xaaladda ay hada maraysaa tahay mid gaadhay in aan xoolo laga hadline ee lagu hawlan yahay sidii dadka loo badbaadadin lahaa, Illaahay ayaa badbaado hayee, iyadoo aannu maalamaha aannu joogno gobolka aanu tegi doono goobo badan oo dadkii xooluhu dhaafeen ku soo xeroodeen.
Dhinaca kale wuxuu wasiir ku xigeenka cadaaladdu kormeerkiisa shalay ku tegey xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta xabsigaas ee ku saabsan daryeelkooda nololeed uu ka soo xog waraystay masuuliyiinta gacanta ku haysa xabsiga.
Dawannews Hargeysa office